Dhakhtar Ku Sugan Laas Caanood Oo Khasaaraha Dagaalka Uga Warramay BBC-da

0
Wednesday February 08, 2023 - 10:14:00 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dhakhtar Ku Sugan Laas Caanood Oo Khasaaraha Dagaalka Uga Warramay BBC-da

    "Ambalaasyadu waa shan oo keliya – kuma filna xaaladda taagan,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ambalaasyadu waa shan oo keliya – kuma filna xaaladda taagan,"

 

 


Dhakhaatiir ku sugan magaalada Laas Caanood ee gobolka Sool ayaa BBC-da u sheegay in ay dhibaatooyin kala kulmayaan fulinta shaqooyinkooda sababo la xiriira dagaalka halkaas ka socda oo galay maalintii saddexaad.

 

Tirada gawaarida gurmadka degdegga ah ee Ambalaasta ayaa aad ugu yar magaalada oo laga soo tebiyay khasaare badan.

 

"Ambalaasyadu waa shan oo keliya – kuma filna xaaladda taagan," ayuu BBC-da yiri Dr Cabdi Majiid oo ka howl gala Isbitaalka Manhal ee magaalada Laas Caanood.

 

"Waxaan la tacaalnay qof oo dhaawac ah hal qofna wuu dhintay maanta, kani waa hal isbitaal, waad qiyaasi kartaa xaaladda ka jirta isbitaallada kale ee Somaliland. Waxaan fileynaa in ay tiradu kor u kacdo,” ayuu yiri Dr Majiid.

 

Dagaalka Laas Caanood ayaa u dhaxeeya militeriga Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo maleeshiyo kasoo jeedda deegaanka oo la sheegay in ay doonayaan sidii ay dib ula midoobi lahaayeen Soomaaliya.

 

Soomaaliland ayaa 1991-kii ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya balse weli ma helin aqoonsi calami ah.

 

Laas Caanood ayaa xad la wadaagta dowlad goboleedka Puntland oo ka tirsan federaalka Soomaaliya.

 

 



Loading...
Loading...