Dhimashada Dhul-Gariirka Turkey Iyo Syria Oo Dhaaftay 7,800
Dhimashada
dhul-gariirkii ku dhuftay koonfurta Turkiga iyo Suuriya ayaa kor u dhaaftay in
ka badan 7,800 oo qof Talaadadii, iyada oo samata-bixiyeyaasha oo ku
shaqeynayay xaaladda adag ee wakhtiga qaboobaha ay dad badan kasoo saareen
burburka dhismeyaasha.
Markii baaxadda
masiibadu ay sii caddaatay, dhimashadu waxay u muuqatay inay si aad ah kor ugu
kacday, waxaana sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay uu sheegay in laga yaabo in
kumannaan carruur ah ay dhinteen.
Madaxweynaha Turkiga Tayyib
Erdogan ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah 10 gobol.
Balse dadka ku nool
dhowr magaalo oo Turkiga ah oo ay waxyeelo soo gaartay ayaa muujiyay caro iyo
rajo xumo ay sheegeen inay tahay jawaab celin aan ku filneyn oo ay
mas’uuliyiintu ka bixiyeen dhul-gariirkii ugu dhimashada badnaa ee ku dhuftay
Turkiga tan iyo 1999-kii.
Dhul-gariirkii
Isniintii oo cabbirkiisu ahaa 7.8, ayaa saacado kadib waxaa xigay mid labaad oo
ahaa mid aad u xooggan, waxaana uu dumiyay kumannaan dhismayaal ah oo ay ku
jiraan isbitaallo, iskuullo iyo guryo dabaqyo ah, waxaana ku dhaawacmay
tobannaan kun, waxaana ku guryo beelay dad aan tiro lahayn oo ku nool Turkiga
iyo waqooyiga Suuriya.
Shaqaalaha gurmadka
ayaa la tacaalaya sidii ay u gaari lahaayeen meelaha ugu daran ee musiibadani
ka dhacday, waxaase dib u celiyay waddooyinkii burburay, cimilo xumo, - agab
iyo qalab la’aan, halka meelaha qaarna ay korotadu ka maqneyd, shidaalkiina ka
go'ay.
Saraakiisha gargaarka
ayaa walaac gaar ah ka muujiyay xaaladda Suuriya, oo ay horay u aafeeyeen
masiibo bini'aadantinimo kadib ku dhawaad 12 sano oo dagaal
VOA