Taliye Mahad Cambaashe Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya In Uu Ka Goostay Somaliland.

0
Tuesday February 07, 2023 - 21:42:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 8315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Mahad Cambaashe Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya In Uu Ka Goostay Somaliland.

    Saacadihii ugu dambeeyay waxay warbaahinta qaar baahinayeen in uu ka goostay ciidamada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saacadihii ugu dambeeyay waxay warbaahinta qaar baahinayeen in uu ka goostay ciidamada


  

Hargaysa (HWN) Taliyaha Saldhiga 7aad ee Ciidamada Qaranka Sareeye Guuto Mahad Cambaashe ayaa Sheegay in Ciidamada isaga ka Amar qaata ee Saldhigiisa Katirsani in aan Askari Kamid ahi Raacin 'Raga Ku Dagaalamaya Gudaha Laascaanood.

 

Taliye Cambaashe Waxa uu Sheegay inaan loo baahneyn Warbaahin uu ka hadlo Xiligan oo uu Dagaal kujiro haseyeeshee, uu isagu hore ula Hadley Dadkiisa iyo Raga Wadaadada ah ee ladnaanta Ku haysta Laascaanood.

 

Xanshashaqa Arimaha Sababta u ah Dagaalka Laascaanood ayaa La Sheegay, in Lagu Garbo duubay Taliye Mahad Cambaashe Kadib Markii ay Magaalada Laascaanood Gudaha usoo galeen  Rag aanney ka fursaneyn in Lagula dhex dagaalamo Shacabka dhexdiisa oo iyaggu u arkayay inay taasi Fursad u tahay.

 

Saacadihii ugu dambeeyay waxay warbaahinta qaar baahinayeen in uu ka goostay ciidamada  Somaliland oo uu ku biiray ciidamada beeshiisa ee Dhulbahante.


Loading...
Loading...