Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xuska Maalinta Haween Weynaha Ee 8 March.

0
Saturday March 09, 2019 - 16:04:38 in News by
  • Visits: 2136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xuska Maalinta Haween Weynaha Ee 8 March.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xuska Maalinta Haween Weynaha Ee 8 March.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xuska Maalinta Haween Weynaha Ee 8 March.


Hargeysa(HWN)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb-galay xuska maalinta caalamiga ah ee haween-weynaha 8March oo lagu qabtay magaaladda Hargeysa.



Waxaana munaasibadaasi ka soo qayb-galay masuuliyiin kala duwan, oo ay ka mid ahaayeen wasiirada wasaaraddaha dhalinyarada Boos Mire Maxamed iyo ciyaaraha oo isagu halkaasi ka jeedisay hadal ayaa sheegay in haweenka Somaliland ay ku talaabsadeen horumar muuqda islamarkaana waxa ay door-weyn ka ciyaaraan ilaalinta iyo wadajirka bulshada reer Somaliland.


Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isagu soo xidhay munaasibada xuska 8march ayaa haween weynaha reer Somaliland ku hambalyeeyay munaasibadda 8 March, waxaanu ugu baaqay Haweenku inay ka qayb qaataan sidii meel looga soo wada jeesan lahaa ilaalinta qarannimada Somaliland.


Loading...
Loading...