Puntland Oo Sheegtay Inay Somaliland Gumaad Kawado Laascaanood.
Dowladda Puntland waxay
iyadoo ka duulaysa dagaalka gumaadka ah ee ay Maamulka Somaliland ka waddo
Magaalada Laascaanood soo saartay qodobada hoos ku xusan:-
1. Dowladda Puntland
waxay cambaareynaysaa xasuuqa ay Ciidamada Maamulka Somaliland ka wadaan
Magaalada Laascaano iyo deegaanada hoos yimaada. Waa nasiib darro in Maamulka
Somaliland ku tilmaamaan Shacabka Magaalada Laascaano iyo hogaankooda dhaqanka
in ay yihiin Argagixiso.
2. Dowladda Puntland
waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka ahayn dagaalka ka socda Magaalada
Laascaanood, uuna yahay dagaal dadka Shacabka ah ee Reer Laascaanood ay isaga
difaacayaan gumaadka ay ku hayaan Ciidamada Somaliland ee muddada 15ka sano
ahayd ku haysta Shacabka Magaalada Laascaano caburin, dilal qorshaysan, xarig
iyo tacadiyo kaleba si ay qori caaraddiis ugu khasbaan rabitaankooda gooni
goosadka ah, una hor istaagaan midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.
3. Dowladda Puntland,
sidii ay horeyba u sheegtay, waxay soo dhaweynaysaa in dadka Deegaanka oo ay
hogaaminayaan Isimada dhaqanka ay aayahooda ka tashadaan.
4. Dowladda Puntland
waxay magacaabaysaa Guddi dadka deegaanka kala shaqeeya gurmadka iyo
taakuleynta arrimaha bini’aadantinimada. Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay
hay’adaha Caalamiga ah ugu yeeraysaa in ay gacan ka geystaan sidii gargaar deg
deg loo gaarsiin lahaa dadka ku barakacay dagaalka Magaalada Laascaano iyo kuwa
dhaawacmayba.
5. Waxaan Maamulka
Somaliland ugu baaqeynaa in ay si deg deg ah u joojiso gumaadka ay dadka
shacabka ah ku hayso, kalana baxdo ciidankeeda Laascaano iyo deegaanada kale ee
Gobolka.