Lacag Intee La Eg Ayaa Qofka Bini'aadmiga Ah Farxad Galin Karta?
Waxaa laga yaabaa inay
wax iska caadi ah tahay in lacagtu ay kordhiso farxadda. Hase ahaatee, marka
baahiyaha aasaaska ay dhammaadaan wax waliba dhanka kale ayuu isu rogaa.
Xiriirkeenna shucuureed
ee dakhliga, deynta iyo khasaaruhu waa wax aad u cakiran oo ay adag tahay in
erayo kooban lagu qeexo.
Dabcan shaki kuma jiro
in lacagtu ay awood ballaaran leedahay oo ay lug ku yeelan karto go’aannada
dadku qaataan iyo falalkoodaba, taasina waa hab dhibaatooyinka loo xalliyo oo
shaqeeya, gaar ahaan xilliyada adag.
Waa waxa "u suurta
galiya dadka inay ku noolaadaan nolol wanaagsan” ayuu kusoo koobay Jan-Emmanuel
De Neve oo ah barfasoor cilmiga dhaqaalaha iyo dabeecadda ka dhiga Jaamacadda
Oxford.
Balse sida lagasoo
xigtay cilmi baaris waxaa lagu sheegay in aanay isbaddal weyn keenayn lacagtu
marka la eego dhanka farxadda.
Xiriirka dakhliga sare
iyo farxadda ka dhexeeyaa waa ‘logarithmic’ ayuu ku sharraxay De Neve.
Mana aha in aanaan
aaminin, balse si buuxda uma aanaan fahmin, sidaas darteed waxaan ka codsannay
inuu sharraxaad intaa dheer ka bixiyo.
Waxaa la ogaday hadii
dakhligaaga sannadkii uu laba jibaarmo, tusaale adoo qaadanaysay $20,000 oo
doolar hadii uu gaaro laba jibbaar dhan $40,000 waad farxaysaa.
Balse hadii aad
doonayso inaad hesho isla farxaddi iyo raynrayntii mar kale, koboc $20,000 oo
doolar ah kuguma filno. Way ku farxad galin wax yar balse ma aha sidii markii
hore oo kale.
Hadaba si aad u hesho
isla farxaddi laba jibbaarka ahayd mar kale, waxaad u baahan tahay inaad laba
jibbaarto dakhligaaga mar kale, taas oo ka dhigan in haddii ad helaysay $40,000
oo doolar inaad gaadhsiiso $80,000 oo doolar, hadana haddi aad doonayso si la
mid ah sidii hore; waa inaad $80,000 kii gaarsiiso $160,000 laba jibbaarkaas
ayeyna kor ugu soconaysaa.
Ma xad baa jira?
Ka sokow xiriirka
‘logarithmic’ laba jibbaarka ee ka dhexeeya lacagta iyo farxadda hadana waxaa
jira meel xad ah.
Daraaasad ayaa
muujinaysa in aad waqti badan ku luminayso haddi aad isku daydo inaad si joogto
ah u laba jibbaarto mushaharkaaga, ugu yaraan wax ka badan xadka, oo tusaale,
ingiriiska ah qiyaastii $150,000 oo doolar.
Dad badan ma gaadhaan
heerkaas dakhli, laakiin kuwa gaadha waxa uu barfasoore De Neve ugu yeedhay
"cidhifka" ugu sareeya "iyaga oo aan mar dambe aan dareemi
doonin xiriir la taaban karo oo ka dhexeeya lacagta badan iyo ku qanacsanaanta
nolosha."
Waxayna ka dhigantahay
in farxaddu aanay ahayn mid gadashadeedu fududahay .
Iyadoo aan la inkiri
karin in dadku ay u baahan yihiin inay daboolaan baahiyahooda aasaasiga ah
(cuntada, guriyeynta, caafimaadka, iwm.), intaas ka dib waxaa jira dhowr
arrimood oo si weyn uga qaybqaata ladnaanta ka baxsan dakhliga.
Mark Williamson,
agaasimaha hayadda Action for Happiness , ayaa aqoonsaday qaar ka mid ah
arrimahan:
Ku beero xidhiidh
wanaagsan bulshada dhexdeeda (qoyska, saaxiibada, dadka aad la shaqeyso)
Ka mid noqoshada wax
"ka weyn nafteena"
U adkeysiga xaaladaha
adag ama aan la maarayn karin
Madax-bannaanida
(xakamaynta doorashooyinka nolosha)
Wadamada qaar arrimahan
ayaa loo isticmaalaa in lagu qiimeeyo heerka ladnaanta dadweynaha, qiyaas
degdeg ah oo ka badan tan lagu ogaado heerka dakhliga dadweynaha.
Heer waddan, waxa uu
iftiimiyay De Neve -oo ka mid ah qorayaasha Warbixinta Qaramada Midoobay ee
Farxadda Adduunka-, sinnaanta bulshada ayaa ah arrin muhiim ah oo lagu ilaaliyo
celceliska ladnaanta ama ku qanacsanaanta nolosha dadka deggan dalkaas.
Warbixinta wadamada
Waqooyiga Yurub waxay si joogto ah uga soo muuqdaan heerka ugu sarreeya ee
qiimeynta, barfasoorku wuxuu tilmaamay in tani ay sabab u tahay, waxyaabo kale,
xaqiiqda ah in dawladahu ay caydh bixiyaan, tan oo ah "nooc badbaado nafsi
ah" iyo kalsooni lagu qabo qorshayaasha maaliyadeed ee dawladda.
Shayga ugu dambeeya ee
la is waydiin karo
Waxyaabo kale oo xiiso
leh oo nafsi ah oo ku saabsan lacagta ayaa ah in aan necebnahay in aan lumino
lacagta in ka badan inta aan jecelnahay in aan kasbanno .
Inkastoo kor u kaca
qaacidada dareenka soo celinta ay run tahay markaan lacag badan samayno, hadana
lidkeeda ayaa suurta gal ah markaan lacag weyno.
Nacaybka luminta, sida
lagu yaqaan dhaqaalaha dabeecadda, ayaa lagu cabbiray daraasado dhowr ah.
Sida laga soo xigtay
cilmi-baarista, De Neve wuxuu yiri, "ladnaantu waxay laba jeer ka
xasaasisan tahay lluminta dakhliga ama awoodda wax gadashada marka loo eego
faa'iidada u dhiganta."


0 





