War Ka Daaya ... Xadhiga Shirkad Ama Qof Ama Nadaam Kale Waa In Laga Fiirsado, Xad-Gudub Bilaa Sharci, Bilaa Mag-dhow Ah Waa Bur-Burinta.

0
Wednesday June 19, 2019 - 11:17:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1072
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Ka Daaya ... Xadhiga Shirkad Ama Qof Ama Nadaam Kale Waa In Laga Fiirsado, Xad-Gudub Bilaa Sharci, Bilaa Mag-dhow Ah Waa Bur-Burinta.

    by Adam Nokia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

by Adam Nokia

Waxaynu in badan aragnaaa ama maqalaa  hebel ayaa la xidhay waa la siidaayey,shirkad ganacsi ,hay'ad waxbarsho ,ama war-baahineed ayaa la xidhay,ruqsadii ayaa wasiir ka qaaday,yaab !!  xagguu ka keenay awoodaas,sharcigee u raacay ,ruqsadda waxaa burin karta Maxkamad, xataa cidda ruqsadda bixisay lama noqon karto ,waayo saamayn taban  iyo khasaare badan ayaa ka dhalanaya,shaqo la'aan bay keenaysaa,sumcad xumo dawladeed ayey keenanysaa ,magdhow ayaa waajibaysa,waa in marka hore laga fiirsado.

 

Kobaca iyo jirtaanka dawladuhu wuxuu ku yimaada caddaalad iyo shafaaf (transparent), waxaana laga daalacdaa garsoorka dalkaas, waa in madax iyo mijo loo siman yahay sharciga,hadday noqoto in marba qof tuurta ku qaato sharciga aakhirka bur-bur ayaa ka dambeeya,cidina ma dafiri karto.

 

Ummadda xaqeeda waa in la ilaasho ( Diin,Naf,Maal,Cirdi,Taran), haddii qayladu badato ama in badani Aaamusane dul mantahay,ciqaabka Rabbi ayaa soo degaya, waxaan xusuustaa sheeko xilligii Ina Rayaale la sheegi jiray, Nin baa dhintay aan filayo inuu ceel ku dhacay, nin kale ayaa wax laga saaray ,waa lasoo xidhay,mandheera,markiiba jeelkii ayuu ku dhintay isna,  laba nin oo qolka kula xidhnaa oo dambi  yar ku xidhnaa ayaa lagu yidhi  ninkii maxaa helay idinkaa dilay,mid ka mid ah ayaa isna dhintay ,8.sano ka dib ayaa kii kalena ka daba dhintay, marxuumiintaa yaa loo raacayaa? immisa hadda jeelasha ku jira oo aan xukunba lagu ridin.  Caddaalada in la toosiyo ayaa loo baahan yahay,waa in maxkamaduhu shaqeeyaan oo aan laga caban ,meel maxakamdii laga qaylinayo maalin walba xaggay ka dhacdaa , weliba intii la keenay ninkan dambe ina X.Cali waxaad moodaa inay soo ladnaanyso mase dhawe,bahda garsoorku waa inay madax banaani helaan. sharciguna sarreeyo.

 

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...