Puntland Oo Soodhawaysay Qodobada Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood

0
Monday February 06, 2023 - 16:53:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1692
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Soodhawaysay Qodobada Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood

    "Sida aynu wada ognahay bulshada deegaanadaas waxay daris la noqdeen Xasuuq iyo Barakac"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sida aynu wada ognahay bulshada deegaanadaas waxay daris la noqdeen Xasuuq iyo Barakac"



Garoowe (HWN)  madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan ka maamul ahaan Go’aamada ka soo baxay shirka ay yeesheen Beesha Dhulbahante.

 

Qodobadan manta ka soo baxay shirka Beesha Dhulbahante ayaa ay kamid yihiin qodobo sheegaya inay ka go’een Somaliland.

 

"Aniga oo ku hadlaya magacayga, kan Goleyaasha dowladda iyo kan Shacabweynaha reer Puntland waxaan si buuxda u soo dhoweynaynaa go’aamada Masiiriga ah ee ay soo saareen Isimada dhaqanka iyo  waxgaradka kale ee deegaanada SSC ee ay kaga tashanayaan Aayahooda, waana ku garab taaganahay.

 

Sida aynu wada ognahay bulshada deegaanadaas waxay daris la noqdeen Xasuuq iyo Barakac joogto ah oo uu ku hayo Maamulka Soomaaliland oo isagu doonaya inuu cabudhin iyo caga juglayn ku maamulo, taas oo ay u dambaysay weerarka saaka bilowday ee ilaa hada socda laguna beegsanayo dadka Shacabka ah ee halkaas ku nool, iyada oo looga gol-leeyahay in lagu carqaladeeyo go’aamada ay gaadheen dadka deegaanku, Eebbe ha unaxariisto inta ku shahiiday inta dhaawaca ahna haw booga dhayo.

 

Hadaba waxaan bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamkaba u cadaynaynaa in dadka shacabka ah ee la Xasuuqayo iyaga oo Masiirkooda ka tashanaya aanay ahayn wax indhaha laga qarsan karo masuuliyada wixii halkaas ka dhacana uu qaadayo maamulkaas”


Loading...
Loading...