Wada akhri si aad u ogaato, wax aadan ogeyn.

0
Monday February 06, 2023 - 14:08:53 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wada akhri si aad u ogaato, wax aadan ogeyn.

    Badbaadi Sagaarada Somalida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badbaadi Sagaarada Somalida.



Ku: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

Ku: Wasaaradda Dalxiiska.

Ku: Wasaaraddaha Gaadiidaka.

Ujeedo: Badbaadin Sagaaro Somali ah.


Waxaa socdo dhoofinta Hilibka Sagaarada, waa la qalaa, waxaa laga saaraa Uur ku jirka iyo Maqaarka. Marka la qalo waxaa lagu reebaa Maqaarka Madaxa oo kaliya. lagamana gooyo madaxa.Dhowr kun ayaa Qaboojiye lagu keeydiyaa. Kadibna waxaa loo dhoofiyaa wadamada khaliijka. ( F.S: 1-4aad)



Sagaaradu dhaqan ahaan waa xayawaanka kaliya ee aan Lamaanihiisa khiyaamin.

Cumri ahaan waxa ey noolaan kartaa 5-10 Sano. Muuqaal ahaan, Tan dhidig ayaa ka weyn tan Lab, Labku waxa uu leeyahay Geeso.Laba labo ayeey u socdaan, iskumana raacaan Raxan Raxan. Tan dhidig waxa ey ku baaluqdaa 5-6 Bilood. Kan labna 6-8 Bilood.


Waxa ey wax dhashaa Sanadkii laba Mar. Sagaaradu waxa ey u qeybsantaa 4 nuuc oo kala ah: Gol cas, sandheer, Qusley, Guuyo Xamar. Waxa eyna ordi kartaa 26 km/ Saacadii.


Jinaqa yar ee Sagaaradu waxa uu waalidkii la joogaa ilaa Hooyadu dhasho Da'da xigto. Kadibna waa la buriyaa si uu u raadsado Lamaane uu la noolaado. Hadduu Lab yahay Aabahaa eryo, hadduu dhidig yahayna Hooyadaa eriso.


Kan la soo buriyo meel gaar ah ayuu degaa oo uu ku saxaroodaa, tan dhidigna meel gaar ah ayeey ku kaadisaa, kan Lab ayaa uimaanaa waxa uuna uriyaa kaadideeda,kadibna kaadida iyo saxarada ayaa la isku darsadaa. Haddii uu dareemo in ey wax dhali karto waa is raacayaan,


waxa eyna degayaan Deegaan u gaar ah, ilyarta Sagaarada waxaa ka socdo dhacaan madoow, waxa ey ku xoqaan Geedaha u dhaw, taa oo ah calaamad deegaankaan Anagaa degan, Qooys kale looma ogolo. Waxa eyna noqonayaan Qoys.


Kadibna waa isku galmoodaan, Galmadu waxa ey dhacdaa 3-4 mar, 9 Saac gudahood. ((( Waana xayawaan noloshiisa aan midna Gogol dhaaf sameeynin oo nolosha oo dhan ku kooban Lamaanihiisa oo kaliya ))).


Weligoodna kala tagi maayaan. Haddii mid dhintu kan kale waxa uu goostaa in uu is dilo ama uu isku dhiibo xayawaan kale oo cuno intii uu kali ku noolaa lahaa, ma ogolo "Singl mother" ama "Single father" .


Waana sababata keentay in ey yaraato taranta Sagaaradu. intii yareed ee hartayna waxaan bilaawnay in aan Carabta u dhoofino. Waxaan ka mid nahay wadamada yar ee Dunida uuAllaah ugu deeqay Sagaarada ( F. S: 5aad)


Sagaaradeyda.


Waxaan deganahay Guri kiro ah, oo milkiile wanaagsan uu iga kireeyay, male Goob weyn oo aan ku xanaaneeyo Duur joogta aan jecelaa lahaa in ey ila noolaadaan. Waxaa Hadda igula nool Guriga 6 nuuc. Sagaaraduna ey ka mid tahay. Waa rabaayo ila quraacato Galabtiina ila ciyaarto.


Mid ka mid ah waxaa gabadheydu u bixisay magaca "Diaspora" ha u qaadan xumeyn. Markii aan weydiiyay sababata, waxa ey igu tiri: Aabe tani waxa ey ku dhalatay Gurgeena, kuma dhalaan Baadiyo oo ah Dalkeedii asalka ahaa. Iyada iyo Hooyadeed haddii Baadiyo la geeyo, Sagaarkaan Diaspora-ha ah kuma noolaan karyo, Dalkiisii asalka ahaana ma yaqaan, Sagaarada Baadiyaha jooogto iyo Dawacadu waa isagu mid, kuligoodna Hoostuu ka galayaa. Laakin, Hooyadu waa kala taqaan Baadiyaha Dalkeedaa iyo Sagaarada ey Qaraabada yihiin.


FG: Wixii aan ka khalday ka sax, Wixii ka dhimanna ku dar.


Qore: Yahya Amir


Daahir Muxumad Habsoor

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...