Dhalinyaradan Dheeftiyo, Dhuunigii Ku Adagyee, Dhulkoodii Ku Qadayeendhegba Jalaqnaloo Siin.

0
Wednesday June 19, 2019 - 11:11:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyaradan Dheeftiyo, Dhuunigii Ku Adagyee, Dhulkoodii Ku Qadayeendhegba Jalaqnaloo Siin.

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (A.S.C.W.R.W.B).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (A.S.C.W.R.W.B).

WAXAAN SALAAN KHAAS AH U SOO DIRAYAA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA

 

1-DHALINYARADAN DHEEFTIYO,DHUUNIGII KU ADAGYEE,

DHULKOODII KU QADAYEEN,DHEGBA JALAQNA LOO SIIN,

DHAMAYSTII TACLINTIYO,DHAMANDAADKA SEEXDAA,

DHAQAALA U SIMANYIIN,HADDANU WAX DHEERAYN.

 

2-DHERGIYO MID DHIMASHO AH,WAXBA UMA DHAXEYAN,

DHALASHO IYO XIGAALAA,DADKEENII IS DHAAFSHOO,

LAGU KALA DHAQAAQYO,DHANBASHADE WAXII YIIL,

DHOOHANAA DUDAAYAA,ARKIMAAYO DHAGARTABA.

 

3-DHULKAA  LAGU CUSLEEYO,DHAADIMEYSO XUUNSHADU, 

   DHAGAXYADA KU SOO MAQAN,DHUGAN MAYSO WELIGED,

  DHAAWACA JEERU GAADHOY,DHIIGA NABARKU DAADSHE,

DHALANTEED RUN MOODAAY,DHARAARBA LA GURAA.

 

4-DHAQDHAQAAQA ORODKII,DHOOLATUS BEENA WEEYE,

DHAB HA MOODIN SHEEKADA,DHALAAN SEEXINTOODII,

WAX WALIBA DHAMAADLE,INTOO DHABAR ADAYGTAN,

DHURSUGUN AYAAMAHA,DHAWAAN WAA LA DOOGIYE.

 

5-DHALANYARO TAHRIIBIYO,ISKA JIRA DHADHAMO RAAC,

  WAXAAN CUNAHA DHAAFAYN,DHIIGAAGA HAW QUBIN,

DHAWAAQA IYO FAANKII,WAA KUWII DHAMAADAYE,

DHWRA MAGACA GUUDOO,XAMAR HAW DHEGTAAGINA.

 

6-DHIGII NIMUU KU WIIRSADAY,DHAXAL MA LEH ADUUNKE,

  DHIB KASTOOD LA KULANTAN,DHINACIINA DHOOBADA,

WAA INAAD KA DHWRTAAN,DHUGIYO XEEL LAHAATAAN,

DHUUX SAKAARO QAYRKIIN,UGU DHAASHATAANOON,

DHAFOOR TAABAD DIIDAAN,ABID HOOS LAGUU DAYIN.

         ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...