Musharax CIRO Oo Ka Hadlay Dagaalka Laascaanood " Xalku Xabad Maaha"
Hargaysa (HWN)
Musharaxa madaxwayne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa
sheegay in xalku aanu xabad ahayn ee lawada hadlo.
Ciro oo ka hadlaya
dagaal saaka ka bilawday Laascaanood ayaa xukuumada Muuse Biixi ugu baaqay inay
dulqaad muujiso.
"Waxa aan si dareen iyo
damqasho leh uga xumahay dhibta saaka ka dhacaysa Caasimadda Gobolka SOOL ee
Laascaanood, waxa aan si weyn ugu baaqayaa in colaadda afka la qabto,
Xukuumadduna muujiso dulqaad iyo dhibirsanaan, Garaadada dhaqankuna nabadda iyo
xasilloonida ka shaqeeyaan, magaaladana yaan dagaal laga ridin oo aan maatidana
la qaxin.
Dhib kasta oo dhacda,
xalkeedu xabad iyo rasaas maaha, xalku waa wada-hadal, wada-xaajood iyo
nabadeyn” Musharrax Cirro.
Dagaalkan saaka ee
Laascaanood ayay labada dhinacba sheegayaan in iyaga lasoo weeraray, waxanay
xoguhu sheegayaan in dhimasho iyo dhaawacba jiro