Allaw Yaan Garaad-Kiyo, Garashadu Hunguri Noqon ( Abdi-Shotaly).
* N.B Godob Aan Hadhayn abid, Baa Guudka Sudhan.
Waxan u soo qalin qaatay, in aan idiin soo gudbiyo qaar u nool in loo adeeg-sado beela-hoodda, oo iyaga aan wax kala dan ka lahayn, ee ay u daran tahay uun xoollo ka xoogso, tuuganimo hantidda ummadda ay ku xadaan, a do kale-na aan lahayn, oo kolba ka kursiga ku amar-ku-taagleeya uun siduu u hoos fadhiisan lahaa tallo ka noqotay, ( oo aan aamin-danayn inuu ka Wax bixiyaa uu Illaahay yahay. Waxa ka mid ah " Geenyo shaaximan, Bakhti dhego-weyn, Cali bacaac, kitaab Yare, kooraysane, anna-I-diro ( Waa ina bile).
Bal hadaba in yar oo kuwaas ku saabsan, oo aan rabo in aan ugu sheego qaabka ay u shaqeeyaan ee loogu takri-fallo dadnima-doodda, Ku soo dhawaadda waa Maanso Yare:-
Ruux ku nool Guhaadiyoo,
Duli iyo gunima xumo,
Sidda gabadh shaqaale ah (jaariyad)
Loo diro girgire maydh,
Sidda gaban yaruu dhalay,
Gaadiid askari u ah,
Marka gawsku buux-samo,
Gobol-Kiisa loo diro,
Lagu yidhi gasiin sii,
Qolo-qolo u kala gura,
Afar-Taasi waa gaar,
Runtu soo gudbi-naysoo,
Xaqa Lagu gar-daadshaye,
Ga'dda kale waxay Tahay.
Marna Yaan Go'aan Li'i,
Geb-geb-Luhu jar kaa ridin.
Hadba Gees Laguu Wadin,
Gadh-wadeen laguu Noqon-
Hana Noqon Gar iyo Daw,
Ruux Garaadka Loo Sido,
Ama Lagu Dan-gaadhoo
Lagu Guuro Weliggii,
Calooshuun u guuxoo,
Loo tuuro guno oo,
Loo qooyo ganaf-koo,
Afar-Taasi waa gaar,
Runtu soo gudbi-naysoo,
Xaqa Lagu gar-daadshaye,
Ga'dda kale waxay Tahay.
Cad-quudheedka gaar u ah,
Gacalkii ka cararoo,
Baadi goobka dhuuniga,
Nacab garabka saroo,
Guul mooday noloshaas,
Gudcur baa u hoy noqon,
Gobonimana kala tega.
Goblan weeye taladiis.
Aqoon gaaba weeyoo,
Markuu go'o ayuun garan,
Ruuxii god loo qoday,
Afar-Taasi waa gaar,
Runtu soo gudbi-naysoo,
Xaqa Lagu gar-daadshaye,
Ga'dda kale waxay Tahay.
Gudin-taysu qaataw,
Isku goysey Luquntee,
Isu geliysey gacantoo,
Cadaw-gaysu gawracday,
Gunta iilka isu dhigay,
Isagay is gunaaday,
Muxuu Geeri Dhaamaa?
Allaw yaan garaad-kiyo.
Garashadu Hunguri noqon.
Ruuxii abaal galay,
Afar-Taasi waa gaar,
Runtu soo gudbi-naysoo,
Xaqa Lagu gar-daadshaye,
Ga'dda kale waxay Tahay.
Kuu u galay muxuu dilay.
Isna gocasho oy baa,
Gabal-kiyo habeenkii,
Ilmo gobo ka leedahay,
Waa duni ka guur ahe,
Misna lagu guneeyaa,
Godob aan hadhayn abid,
Baa guudka loo Sudhay,
Kala geeyey umadoo,
Guryo nabadda isku guba,
Waa halkay ku geysaa,
Gar diid-nimadda aad tahay.
Akhrisraw waxan ku soo xidhay maqaalkan, Rabbaw ha naga qaadi iimaanka, sharafta, isku kalsoonidda, dad-nimadda, oo naga dheeree in aan noqon in mid aan waxba ahayn ( waa Raggii ma adigaa ka hadhaye) uu noo isticmaallo sidda xoolaha, oo aanu noqono wax uu kaasi iska leeyahay, siduu Doonana ka yeello ( Waa sidda ay imika yihiin) Kuwa sare ku qoran iyo qaar kaloo badan, oo iyana kaba sii liita, sidda Hiliblaha Xasan Share, Xinif, Bukhaari Iyo buuni inta la Nooca weeye. Waxan kaga baxay, Illaahay yaan risiqu halkaas naga gelin, oo dulinmo sidda kuwaas aanan anaku is badin.
* N.B Godob Aan Hadhayn abid, Baa Guudka Sudhan.
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...