Xukuumaddii Siilaanyo Vs Xukuumadda Muuse

0
Wednesday June 19, 2019 - 10:55:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumaddii Siilaanyo Vs Xukuumadda Muuse

    Kaligii-taliyihii dhibta badnaa, ee Xajaaj Ibnu Yuusuf,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaligii-taliyihii dhibta badnaa, ee Xajaaj Ibnu Yuusuf,
oo ahaa hoggaamiye ay dadkiisu aad u neceen, oo mar walba ay habaari jireen, ayaa markii ay naftu iska gureysay ee uu arkay in aad loo habaarayo, waxa uu ka fekeray sidii uu uga badbaadi lahaa habaarkooda inta uu mootan yahay. Dabadeed, waxa uu u yeedhay wiilkiisii, oo uu kula dardaarmay, in maydkiisa uu waddo toos ah mariyo ilaa uu xabaashiisa ka geynayo, oo guri iyo geed wixii uu ku soo beegmaba uu jiidhsiiyo. Dabadeed, wiilkii sidii buu yeelay, oo maydkii aabbihii (Xajaaj) waxa uu faray in si toos ah loo qaado oo aan marna la leexin, wax allaale wixii guryo iyo dhir ka hor yimaaddana la wada dudumiyo. Dadweynihii oo markii hore Xajaaj iyo xukunkiisa la yaabbanaa, oo aad uga eed sheeganayey, ayaa markii ay arkeen sida uu wiilkiisii yeelay, intay illaaween wixii uu Xajaaj ku samayn jiray ayey mar qudha odaygii Xajaaj ahaa u duceeyeen, oo wiilkii na ay habaareen:

"رحم الله الحجّاج من ولده"
"Alle ha uga naxariisto Xajaaj, wiilkiisa"

Haddaba, Xukuumaddii hore ee Somaliland ka talinaysay ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxay ahayd xukuumad aad looga cawdo, oo uu shacbigu eed badan ka tirsado, maanta se wax allaale iyo wixii xukuumaddaa loo tirinayey waxa lagu illaaway ficillada ay xukuumadda Muuse Biixi ugu aftaxday muddo xileedkeeda, shacbiga Somaliland maanta waxa uu u ducaynayaa xukuumaddii hore ee Siilaanyo, oo waxa ay leeyihiin:
"رحم الله حكومة أحمد سيلانيو من حكومة موسى بيحي"
"Alle ha uga naxariisto xukuumaddii Siilaanyo, xukuumadda Muuse Biixi"

W/Q: Maxamed Kaahin Saleebaan
Kampala-Uganda
00256795283382
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...