Caashaqa bilaashkaa iyo Cashuurta la kordhiyay laba is barkan.

0
Sunday February 05, 2023 - 18:30:44 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caashaqa bilaashkaa iyo Cashuurta la kordhiyay laba is barkan.

    Diyaaradan cusubna gollihii horaa sii saaray, waddaduna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradan cusubna gollihii horaa sii saaray, waddaduna

Nin baa gabadhiisii "Xaaskiisii" uu qabay la yara fool xumaatay, oo uu saluugay, taasina waxa ay keentay in uu furo, muddo ka dib markii ay cadad baxday ayuu Nin kale guursaday badhii, ka dibna waxa gabadhii arkay kii hore ee qabay iyada oo qurux badnaatay, dib buu u jeclaaday gabadhiisii hore oo waliba la qabo, si



 ka disa ayuu u yidhi "naa Magaalo soodigan cadaaday ee qurux batay" gabadhii ismabay dhibin e si fudud bay ugu jawaabtay oo tidhi " Waar waa anigii uun, oo marna kula fool xumaanaaya, marna kula qurux badanaaya ee waa dookhaa ".

Haddaba dadkii qaar baa sidaasi oo kale ah oo Hargaysa marna caashaqay, marna ay la xumaatay,
Dhirtan 4ta mitir ah, wallalyaal sanad kumay bixin ee meesha wey ku taalay, Baxarasaafkana Jiciir baaba beeray, guryahan quruxda badana dadkii lahaa ayaa dhistay, 

Diyaaradan cusubna gollihii horaa sii saaray, waddaduna wey dhisnayd se waa la modoobeeyay uun. Qaarna waxay sheegayeen in Salada jiina soo urayso.

Horta Suuqii Waaheen ee gubtay wixii gubay ma la soo saaray? se masuuliyadaradda yaa lahaa tolow?

Qorre- Siyaasi Nuuradiin diini

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...