Samo – Taliye Aan Kala Sooca Aqoon, Wasiir Xasan Maxamed Cali "Xasan Gaafadhi"

0
Wednesday June 19, 2019 - 10:49:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Samo – Taliye Aan Kala Sooca Aqoon, Wasiir Xasan Maxamed Cali "Xasan Gaafadhi"

    W/Q:Abdiqaadir ismail "Eng:Foodcadde"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q:Abdiqaadir ismail "Eng:Foodcadde"
Wasiirka wasaarrada xanaadda xoolaha iyo horumarrinta kallumaysiga,waxa uu ka mid yahay haldoorkii tirrada yaraa ee Somaliland ta maanta lagu tartamayo horumarka dhaqaalaha,siyaasadda iyo arrimaha bulshada taabo gellintooda qaybta weyn ka qaatay. wasiir xasan maxamed cali,waa shaqsi aan ku dhaqmin nin jeclaysi,eex iyo qarraabo kiil, waa shaqsi sarraynta  qallinka iyo horumarrinta qarranku halbeegiisu yahay. Wasiirka wasaarrada xanaanadda xoolaha iyo horumarrinta kallumaysiga Md: xasan maxamed cali "gaafadhi” waa shaqsi ay hagayso kalsooni aqooneed,gaadhsiisana ilaa derajadda master,waa khabiir ku takhakhusay kuliyaddaha dhaqaalaha,xanaanadda xoolaha iyo deegaanka,sidoo kalena waa ehlu cibaado daaci ah.


wuxu ahaa mulkiilihii haayaddii SADDO ee ka hawl geli jirtey gobolladda Somaliland gaar ahaanna gobollada barri,taariikh-du isma qariso qof waliba wixii uu dalkan iyo dadkan gashaday ayaa lagu amannaa,xasan gaafadhina waxa wuxuu ka mid yahay muwaadiniinta dalkooda iyo dadkooda tacabka gashaday,Somaliland waxay jirtaa 28 sanadood intaasina xasan wuxuu ahaa garbihii iyo nin garboodkii hiil qarran u noqday gurmadka qaranka ee curdinka ah, wasiir xasan waa siyaasi ku dhac leh,go’aan qaadasho leh.

waa hogaamiyihii iyo gudoomiyihii urrurkii rays ee ugu saameynta badnaa ururaddii ku tarmayay kuraasta dawladaha hoose ee dalka sanadii 2013,mayse noqan ururkaasi rays inuu ka mid noqdo saddexddii urrur siyaasadeed ee u soo gudbay inay noqdaan saddex xisbi qarran,ee kalla ah kulmiye,ucid iyo waddani.wasiir xasan maxamed cali wuxuu daaha ka fayday dul manayaal baddan oo wasaarrada ku dulmanaa kuwaas oo xaqoodii iyo xuquuq doodiiba raadiyay,waa aabbo ubbad dhallay maahan mid cadaalad darro kula kici karra ubad kuwiisa oo kalle ah,waxa jirrey in maalmihii la soo dhaafay ay jirren hablo sheegay in wasiir xasan uu ku sameyay eex iyo nin jeclaysi oo boosaskoodii ciddo kale ku naas nuujiyay,arrin kaasi waxan u arkaa inuu yahay hal bacaad lagu lisay "key not speech” wasiir xasan hal qof oo xaafadiisa hoose ah ma joogaan wasaraadda horumarinta kallumaysiga iyo xanaanadda xoolaha taasina waxay shacabka Somaliland u cadday naysaa sidda uu beri uga yahay qarraabo kiilka. Hablaha mudaharaadka muujiyayna waxaan leeyahay waxaad xaq u leedihiin waydin heli insha allah, una samra wakhtiga waad u da’a yar tihiine.


Gebo –Gebo

Waxaan ku soo gabo gabaynayaa qoraal kayga oo ah taxane aan ku turxaan bixinayo shacabka Somaliland,ee weedhaha iyo warmaha aan af-faysanayn maddaxda waddanka ku ganaya kelimaad aanay gallab san,waxaan leeyahay mar labaad iyo mar saddex xaadba aan raacno maddaxdii 80,000 ee cod aan hadhka cad hadiyadda u siinay si ay u hagaan 4 milyan ee reer Somaliland guddo iyo debad ba,guul insha allah.

 

 

Info:

W/Q:Abdiqaadir ismail jaama "eng:Foodcadde’’

Email:[email protected]

Tell:065-9114748

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...