Waa Wax Lala Yaabo ( Abdi-Shotaly).
Illaah ha u naxariisto oo denbi-giisa ha dhaafee nin la odhan jirey " Xaq-U-Diri" Baa nin ay aad u saaxiib ahaayeen, uu u yimi maalin ayaamaha ka mid ah, markaas buu ku yidhi " Waaryaa, ma og-tahay in ninkii aad garanayso, xalay loogu dhawaaqay madax-weyne iyo wax aan garan la'ahay ilaa imika, oo waa la yaabe lagu yidhi "Adigaa mansuul ka ah Somaliland" Xaq-U-Diri inta uu qoslay, baa wuxu yidhi, waar heedhee waa duni aakhir sabaane, nin-yahaw waan maq-maqlaayey waxaas aad sheegayso, laakinse ilaa imika iima qudh-qudh-samin, ee manaa waalan mise umadaydda baa wax ka si yihiin? Wuxu ugu
jawaabay " Anba waan garan la'ahay" Ee bal sidee bay wax yihiin baad u malaynaysaa hadaad tahay " Xaq-U-Dirir"? Wuxu yidhi, waar waxan ku weydiiyey " Miyaa la sheegay In Yoomal-qiyaamihii aynu soo gaadhnay oo dunidda la rogaayo?" Ilayn kaasi marka uu ina xukumo, wax inoo hadhay ma jirto'e. Ninkii wuxu kol kale ku celiyey " Wax walba ka yaab" Malaha labadeena baan ka war qabine! Maanta maxaad filanaysaa haddii war-kaas dhaboobo? Bal caynka aad is leedahay arinku wuu u ekaan doonaa noo sawir, ilayn kaad ogayd baa la inoogu cumaamadaye, isaga oo yaaban "" Buu isla goobtii ka isagoo gole ka fuulka ah uu tiriyey maaansadan,
Waana tan ee hoos ka akhriya:-
Wiilkuu adeerkeey dhaloow,qaatey waanade'e,
Ha-yeshee wacaalaha dahsoon, la ima waydiine,
Nin xasuusan warkii qaaxo iyo, waayo godob-tooda,
Ayaa ummad walaalayni kara, waa wax lala yaabo,
Nin isagu is weyney-naya, oo waajib u arkaaya,
Ayaa qaran wadeecada ka jiri,waa wax lala yaabo,
kaligay waddani aadmi yidhi, waa wax kuma taale,
Ayaa wada jirkeenuun ka talin, waa wax lala yaabo,
Nin waraabe sheekhiisu yahay, duulna u wakiila,
Ayaa waab caddaalada u noqon, waa wax lala yaabo,
Ninka yidhi anaa walad xalaal ahoo,wayd ka dhigay maamul,
Ayaa wadar sinaan-teed ka talin, waa wax lala yaabo,
Ninka weerka soo duub-tayee, wali cadho hayso,
Ayaa nabadda weel-keeda tolli, waa wax lala yaabo,
Ninka yidhi waxaan ahay dan-yare, waalidkii koriyay,
Hargaysana dhismaha waax ku lee, aan waqii dhididin,
Ayaa musuqa waardiye ka noqon, waa wax lala yaabo,
Ninka yidhi anuun baa wax garan, ee war iga qaata,
Ayaa wehel aqoontii u noqon, waa wax lala yaabo
Ninkii diiday waayeel ergiyo, wali ducaynaaya,
Ayaa weedha qayrkii aqbali, waa wax lala yaabo,
Ninka yidhi wadaad mowlaciyo, wayso uma joojo,
Ayuu wacdigu dhegi-hiisa gali, waa wax lala yaabo,
Ninka weelka kaligii cushee, walafsi boobaaya,
Ayaa weyda uba soo hanbayn, waa wax lala yaabo,
Wacad-qabe sidii uu ku yimid, waaxid garanaayo,
Ayaa samaha waar ka talin, waa wax lala yaabo,
Akhristaw, mah-maah baa hayd " Ilmaadeer waa in is taqaana'e" Hore baa Somalidu u tidhi " Nin ku yaqaan looma jilba joog-sado" Waa dhab iyo xaqiiq biyo kama dhibcaan ahe, " Xaq-u-Dirir" wuxu ahaa nin si wacan oo dhab ah u yaqaana askarigu isku kala bixiya guriga la yidhaaho " Xaafad-tooyadda", Wuxu a ahaa nin gunta soo xaadhay, ilaa Qaaxo iyo SNM taariikh-diisa hal-hal u haya, dagaalkii la odhan jirey " Marya-Alool" wixii uu geystay Iyo sooyaal-kiisii uu kula kici jirey afartii madax-weyne ee ka horeeyey, Shaani qarxin-tiisii, soo kooboo dadnima-diisa, akhlaaq-diisa, afcaashiisa keligii taliyanimo, isaga oo aan xaaraan iyo xalaal kala aqoon, wax dhegaysan, diin-tuna ku yar-tahay, weliba ay u sii raacdo,
aqoon xumo, iyo waayo'arag la'aan aanu meela xafiis u soo marin, waali, maskax la'aan iyo doqonimo intaba isku darsaday, soo dhaaf intaas, oo wax kaloo ka mid ah hami uu is leeyahay, wixii aad hore u weyday maanta bay ku soo gacan gashaye ka xoolayso, wuxu ku soo gaba-gabeeyey, umalayn maayo in Somaliland loo il-bixinaayo, kaaga darane, colaad hor leh baynu gelaynaa iyo in foodda la isu geliyo kolaba laba beelood, ilayn waa aqoon-tiisa'e, been aa (Waa ta maanta taagane). Ha filin inuu ka yaq-yaq-soodo ee uu weliba ku
faanaayo, Muwaadin, odhaah baa ahayd, " Rag is yaqaana way is far garanayaane" Mar kale Illaah denbi-giisa ha dhaafo'e. Wixii uu sii sheegay, ee ay inoo qeexayso murti-diisa sare ku taalaa, baynu haynaa oo hadda taagan, Illaahaw wax garad ha naga dhamayn, ee inta xun sidda " Raggii ma adigaa ka hadhay" naga qabo. iyo inta la futay-naysa hantidda ummadu ay ka bakhtiday.
* N.B Ninka Weerka soo duub-Tayee, Wali Cadho hayso,
Ayaa Nabada Weel-Keeda Tolli, Waa Wax Lala Yaabo!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!