Xisbiga Waddani Oo Ka Horyimid Wadahadal Somaliland iyo Somaliya Dhexmara
Hargaysa (HWN) Xisbiga
Waddani ee Mucaaradka ah ayaa wax aan la aqbakarin ku tilmaamay in hadda Muuse
Biixi, wadahadal la yeesho dawladda Federaalka Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee
Waddani khadar Xuseen Cabdi, ayaa yidhi.
"Somaliland wadahadallo
macno sameeya lama gali karto Soomaaliya, sababtoo ah:
1. Madaxweynaha
wakhtigiisii wuu dhammaaday, cod shacabna kuma joogo hadda.
2. Somaliland waxay la
daalaa dhacaysaa dhibaatooyin gudeed.
Qabashada
doorashooyinka iyo xal-u-helidda arrinka Laascaanood ayaa Somaliland miiska u
saaran hadda.”
Wada hadaladii hore ee
ay Somaliland iyo Somaliya yeesheen Ayaan wax midho dhal ah yeelan, marka laga
yimaado wafdiyo kolba wadan isku horfadhiista kuwaasi oo waxa ay isla qaataanba
aanu ka hirgelin labada dhinacba.
Somaliland ayaa wakhti
xaadirkan ay ka jirtaa gudaheeda dhibaatooyin sababay in ay bulshadu ukala
qaybsanto siyaasad ahaan iyo qabiil ahaanba