Masaajidka Ciyaarta Ka Daaya ( Abdi-shotaly).

0
Wednesday June 19, 2019 - 10:20:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masaajidka Ciyaarta Ka Daaya ( Abdi-shotaly).

    Beri baa nin masaajid ka iimaam ahi, oo ay afar hablood iskaga daba kaceen,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beri baa nin masaajid ka iimaam ahi, oo ay afar hablood iskaga daba kaceen,

iyagoo kuligood gaadhay wakhtiggii ay guursan lahaayeen, halkaa markay maraysay, baa iimaamkii hablaha aabaha u ahaa go'aan ku gaadhay, in khudbadda salaadda jimce ee ugu soo horeysa, ku sheego in uu ku tabarucaayo afar-tiisa hablood-ba, waxay sidaas ahaato-ba, jimcihii baa yimi uu sugaayey, ka bacdi ilayn wuu ku tallo galaye, waa ka isla sare taagay, wixii uu sii diyaar-saday, oo ah arinta sare ku taal. Akhristaw markii uu ku dhawaaqay in uu doonaayo afar nin oo ehelul-salaad ah, oo uu ku aamino, kuna daro habli-hiisa uu xooga u jecel yahay, baa waxa la soo dersay nasiib darro iyo wax aanu filayn, taas oo af-kala-qaad iyo la yaab, u qaadan-waa iyo shoog ku dhalisay, uuna dhabanadda ka qabsaday, intuu tobanka farood-ba mid-ba meel dhigay, ku noqotay lama arag iyo lama maqlaan wadaadkii iimaamka ahaa. Aan muwaadin waxa sidaas ka dhigay kuu sharaxo'e waxa weeye, mid iskii u daycan, oo masaajidka xaadh-xaadhi jirey, wax-ba aan loo diran jirin, oo ah dadka la xaqiro lana yaso, baa sheekhii markuu tii ugu horeysay, uguna weyneyd ku yaboogay, intuu istaagay farta taagay, oo yidhi ta ugu weyn aniga baa qaatay, Iimaamkii intay ka dhabaqday, indhuhu soo baxeen, buu hoosta iska waydiiyey " Waxa aad maqlaysaa ma riyaa? Ma been baa? Mise wuu kugu ciyaarayaa? Mar kale buu wadaadkii ku celiyey, kii miskiinka ahaa, baa hadana kacay oo yidhi " Sheekh sawtaan anigu gudoon-saday taas" Wadaadkii intuu dadkii ka xishooday, oo odhan kari waayey adigu ma geydid, kuna siin maayo inan-taydda, buu isaga oo af-goobad-sanaya uu yidhi" Waar masaajidka ciyaarta ka daa" adigu nin inan raba ma tihide iska fadhiiso

 

Waxan u soo qaatay sheekadan, oo aan doonayaa in aan idiin sharaxo, maanta ujeedadda aan ka leeyahay-na ay tahay, Askartu ciyaarta ha ka dayso Somaliland, waayo uma qalmaan, mana geyaan, ka lagu guuro-na ma qabaan ( waa askarta iyo macaan jecesha ka shurbeeya xaafad-tooyada'e). oo la mid ahaan jirey, noocaas masaajidka xaadh-xaadhi jirey, wakhtiggii halgankii SNM-na, oo xataa aan loo diran jirin taba-baradda gaas dhegoola-yaasha la siinaayo, meela-haas iska jooj-joogi jirey, sidda kaas masaajidka xaadh-xaadhi jirey, oo wax la waydiiyo daayo, shirarka marka la qabanaay, xaabadda la odhan jirey soo gura wax lagu karinaayo, haba-yaraatee aan lagu soo dari jirin sheekadda, ilayn maskax-doodda baa la yaqaanaaye, kolka taladda la samaynaayo-na debedda looga saari jirey, baa ilayn maamul iyo farsamo mid-kood-na wax ka garan-maayaane, si khaldan u malooliyey Somaliland, siddii orqacii idaha orgayn jirey, oo isaga oo aan wax ka dhalayn fuul-fuuli jirey. Kuwanina sidoo kale ( Waa labadda askariye), waxay kufsa-deen, oo ay baaba-sadeen, daba-ka-xadeen Somaliland, kana dhigeen ma-dhalays, waa kuwaas nacab, haad iyo habaqle-ba u jebiyey, hawadda kala raacday, burburi-yeen, ee la la'yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigtay, ah la hubsayoo gorayo haad noqotay, u dhurtay waxay ahaayeen, lagu kala guurey, aan mid-na-mid u qargaa-raynin, ka shaqaysta mooyee, wax kaloo yaalaa aanay jirin, dabayluhu galeen, ee habar-duugaag isugu qaylo dirtay, qoloftii iyo lafihii lagu liqay qalaylkii, ee lagu qayb-saday caydhinkii, horaase ay xikmadi u ahayd " Adhi daasad kama il-baxo" ee waynu naqanay oo aan garanaynay, kuwani in aanay wax-ba soo wadin, wax ka soo naaso-cadina aanay jirin, ee xaal-koodu yahay " Hobiyo Hiday" qaataye dafir, oo afka boodhka soo marso..

 

Riyo qoob-koodda bay sakal ay arkayaan ku doon-taan, dabeed-na ay ku jabaan, markay kala bixi kari waayaan, tii baa ina haysata, oo habaarkan ina hor tuban, inaga baa isugu wacan. Waxa la waydiiyey bahasha la yidhaaho" Ibtilo" Maxaa nagu kaa diray, ee aanu kaa haysanaa? Waxay ku jawaabtay, idinka baa i soo doonta, markaas baan aakhiro idiin diraa ( Waa sidda askartu iilka u dhigeen Dalkii iyo Dad-kiiye), Ilaah ha u naxriisto'e, Tima-cade baa laga hayaa "Sidda hanad caruur badan dhalay, oo hoos wax ugu sheega, halkan baan ka wadda waaniyaa, hadh iyo fiid-kiiye, hoheey malaha Soomaalidaan, hoos wax-baw deyine, waxan weli hibatay-nayaa, kii horaan idhiye, an hantaaqo maantana dibnuu, hadal ma daayaayne" Waa dhab oo ummad yahay dul iyo hoos-ba wax la idiinku sheeg, laakiin waxad tihiin qaar ka malafan, dulmi iyo xumaanta baad isugu gar-gaartaan, intay sidaas tahay-na weligiin haw fadhi-yina, in aad meel gaadhaan, ama dawladnimo iyo dadnimo hore ugu ruqaan-sataan, waa ka sii dar abid joogto ah iyo cidhib la'aan aan ka soo noqosho lahayn. Waxad noqoteen sifihii maah-maah-ddii ahayd " Doqoni iyadda xagla-heedda ku soo qaadata xaihiga lagu xidhaayo, oo is dooxdda" waxa idinku dhaca-ba idinka baa isu geestay, markaad labadan askari iyo caya-yaan hoos geblay-naaya, weli sacabka ugu tumay-saan isku xaafad baanu nahay. kamana dheeraataan in aad daba roor-taan, mid jar idinka tuuraaya, Run iyo beeni kala qalane, Wax somaliland hadeer la yidhaahaa ma jirto, oo waa taas beelaha u kala ab-tirsatay, Gobol walba askartii aan u dhalan ee joogtay lagu dilaayo, ee qaar-kood dhagaxa, shaqaalihii ka yaaceen Goboladdii, isir ahaan aanay ka soo jeedin. Waxan kaga hadhay qoraalkan, "Cirid-kaan arko ilko kama soo jeedaan" Gobaladdii ugu balaadhnaa waa kuwaas cidhibta ku dhuftay, ee bal waxa yaala meesha, ee maamul lagu sheegayaa maxay yihiin?, Oo aan ahayn ayaxan iyo koron-koradan mar inagu wadda degay, inta aad sidaas weliba qaar-kiin, reer hebel iyo jeegaan baanu nahay, ku taageeray-saan yuxuustan bilaa caqliga ah, ee qabyaalad qarsoon qaran-nimo noogu sheegaaya, oo aan runta la isugu imanaynin, adna wax ku li'id ama daba roor ama ha daba roorine.

 

* N.B  Riyo Qoob-koodda Bay Sakal Ay Arkayaan Ku Doon-Taan!

Qore:- Abdi-Shotaly.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...