Kenya Oo Dib U Fureysa Xadka Ay La Wadaagto Soomaaliya 10 Sano Kadib

0
Saturday February 04, 2023 - 13:01:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 414
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo Dib U Fureysa Xadka Ay La Wadaagto Soomaaliya 10 Sano Kadib

    "Wasiirka amniga gudaha Kenya Kithure Kindiki oo ka hadlayay booqasho uu ku tagay magaalada Mandhera"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wasiirka amniga gudaha Kenya Kithure Kindiki oo ka hadlayay booqasho uu ku tagay magaalada Mandhera"



Kenya ayaa ku dhawaaqday inay dib u furayso xudduudka Mandhera ee ay Soomaaliya la wadaagto, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu hagaajinayo ammaanka xudduudka iyo la dagaallanka badeecooyinka Kontorobaanka ah.

 

Kenya ayaa sheegtay in qorshaha dib loogu furayo xudduudka Mandheera ay la wadaagto Soomaaliya uu heer gabo-gabo ah marayo, kadib wadatashi heer sare ah oo labada dal ay yeesheen.

 

Wasiirka amniga gudaha Kenya Kithure Kindiki oo ka hadlayay booqasho uu ku tagay magaalada Mandhera kadib ayaa sheegay in dib u furista xadka Soomaaliya ay wax badan ka baddali doonto ammaanka xudduuda, isla markaana ay joojineyso dhaq dhaqaaqa badeecadaha koontarabaanka ah ee loo isticmaalo in lagu maalgeliyo 'dhaqdhaqaaqyada argagixisada.'

 

"Waxaan faray kooxaha ammaanka ee gobolka inay la fariistaan hay’adaha dowladda ee halkan u jooga oo ay ka mid yihiin kuwa xudduudda, iyo socdaalka, ayna qiimeeyaan shuruudaha ay ku soo gudbiyaan macluumaadka muddo toddobaad gudihiis ah, si ay noogu suurtagasho in aan dib u habeyn ku sameyno xaruumaha xudduudaha oo aan dib u bilowno soohdinta. " ayuu yiri Kindiki.

 

Xiritaankan xadka ayaan dadka ka joojinin in ay si sharci darro ah xadka uga gudbaan ama ay alaab u tahriibiyaan.

 

Kenya ayaa xirtay dhammaan xudduudaha dhulka ah ee ay la wadaagto Soomaaliya sanadkii 2012, si ay u joojiso duullaanka Al-Shabaab, waxaana meelaha ka mid ah Mandheera, iyo sidoo kale kuwa Lamu, Wajeer iyo Gaarisa.

 

VOA


Loading...
Loading...