Dhalashadiisii Sheeko Dembiyeed.
Waxa aan jirey shan sano , Waxa aanan Ogaa In ay ii dheeraayeen Dhawr Habeen iyo Dhawr Maalmood, Waxayna Ila Aheyd Inaan Miiska kula cuneyo Keegii Dhallashada Hooyadey , Aabahey Iyo Laba Caruura Oo aanu Walalo Aheyn, Waxa"na noo Baxayeyna Shan Shamac oo Dhaadheer oo yaaley Albaabka Guriga oo middabo casaana iyo mid buluug Bixinayay, Laakiin hoos yaala Markaad aad ugu Fiirsato.
Maalmo Iyo Habeeno Kooban..
Waxaan jacelahay Tuuganimada, waa Hees ka baxda Raadiyaha Oo aan xiiseyo, laakin markey soo gasho way iga Damisaa Hooyadey, ana waxaan bilaabaa inaan cadhoodo.
Kolkaan ka sii jacelahayna waa markay dhamaan dadku la wada qadayaan, ee aan ana Dhinac kala heesayo, Laakiin wey ii ogolaadeyn waalidkaygu Habeenkan.
""Kolkaan heesayana Waxba kama maqalo waxa daaqada dhinaceeda Danbe Ka Socodo""
ma Noolaaneysaa Ma Noolaneysaa.....
Markaan ku sii maqlayo, Ma Xiiseeyo Kanaalka Caruurta ee laga soo daayo Heesaha Caruurta yaryar, sababtoo ah maantoo Dhan baan daawneye'' Dhaladan Baas", Sidii Shaley iyo Doraadto oo kale
Wakhtigii Hore Layma Ogoleyn ,Sida imika Oo kale .
Waxaan u istaagey kor, waayo waa igu dhib inaan maanta oo dhan dhulka fadhiyo,waxa i kabuubyaadey Cagaha oo dhan, Waxa aan u Boodey kor iyo kor, Ilaa intaan ka gaadhayey Qolkii walalkey, qolkii waxaan galey isagoo fadhiya miiskii uu wax ku akhrisan jirey, isagoo iska dhigaya Mid wax akhrisanaya, laakiin wuxuu kaga soo baxsaneyey Intayada Kale, Buuguna wuxuu iska yaaley dhinaca midig isagoon hal Bog aan kaba akhriyin.
in uu Wuxuu Akhriyo , Wanan ogahey Taas, Dugsiguu Tagna aad buu ugu Wanaagsanyahay, Waxaanu malmihii ugu Danbeyey soo noqoneyey Qof wanaagsan.
waan ogaa oo wuxuu ahaa Qalqaali cid walibaaba ay ka Qayliso.
Run Ahaantii aniguse aad baan u jacelaa, waayo wuxu ahaa walalkay oo iga weyn.
Anigu xiligan ma yihi Afar jir, waxanan noqodey nin weyn, Kumana Dhaco inuu i dilo ama uu wax i yeelo,ana Kama cararo oo sidii hore ugama Baqdo, Laakiin wuxuu kabadhka dushiisa iga saarey, Hadyadihii lay keenay mid ka mida , mana gaadhi karayo.
"""""Ninku dhibaato baddanaa"" Wanaagii aan ka arkeyey maalmahani , waxay ahaayen qaar iska caadiya , laakiin dhibtiisu wey iska baddan tahay wali..
Wax kaliya ee aan sameyn karayaa ,waa inaan labadda cagood mid ku boodo, haddii aan mar wadda qaado labadda lugood waxaan u dhacayaa dibdib oo isaguna wuu ku raaxeysanayaa, inaan sidaa ugu dhibtoodo.
Walshey qolkeeddana , waxa yaala guri iska gaboobey oo loo soo iibiyey Iyadoo yar, mana taaban karo, Sababtoo ah intey cararto ayey tageysaa qolkeyga oo waxay dhamaan baabineysaa, Alaabtaan ku ciyaaryey, Xagaa iyada ahnna waxa igaga jirta cabsi weyn..
Haddase Markale ma awoodo inaan iska boodboodo, sababta oo ah waxaan ka baqayaa in ey igu Toosto.
Haddii ay toostana waxay Bilaabeysaa in ay igu qayliso, qayladedana waxaa ku xiga in ay ii gacan-qaado.
Hooyo wax ay kursi ku fadhidaa Kijadda Dhexdeeda, Wey dhoola Cadeynaysaa, laakiin waxa dhagaheyga ku soo yara Dhacaya Qosolkeeda, waxana ka muuqda wajigeeda Farxad aad u Sareysa, Kolka ay eegto lugaheyga yaryar ee shanta sano jirna , wax ka sii muuqda Raynrayn iyo Farxad, Waxa ay cabeysaa koob liina oo qabow oo waxa dhinac maraya cantuugada Markay qososhaba, intaan aad ugu dhawaadey ayaan wajigeeda si fican uga buuxsadey, si ay iigu noqoto xasuus aan waligey qalbigeyga ka dhamaan.
miiska waxaa ka sii muuqda , Daqiiqdii laygu sameyey macmacaankanu habeenkaa cuneynay.
Intaan isa soo tuuray , ayaan dhabteeda si fican ula helay dhabankeyga, hooyo intay igu tiri , ayey madax ii salaaxdey. ""Axeey ax"" in aan la wadaago sheeko ama aan u waramo , waxay ii aheyd mid sahalan , iyadoon xataa mararka qaar aan fahmeyn waxaan kaba haddlayo.
waxa aanan dhagaha ku qaban jirey laabteeda, anoo maqlaya, kalgacalka iyo muxibadda ay qalbiga iigu hayso, iyadoon wali ii sheegin ama aan i odhan .
Kadib Markii aanu wadda cunteynay , waxaan dooneyey inaan lug kaliya ugu tago aabahey oo joogey qolka fadhiga, si aan isga laftiisana aan ula qaato wakhti wanaagsan, wuxuujacelaa markasta inuu xagaa fadhiisto, kuna akhristo wargeyka maalinlaha ah ee u malin walba soo iibsado, waa meesha ugu dagan guriyaga, ee uu mar walba xiiseyo inuu wakhtigiisa ku qaato.
Waan Maqlayaa. haa , Taasi waa Run iyo xaqiiqo jirta inaan maqlayo, Haddana waa cod aad u gaaban oo dhagaheyga ku soo dhacaya, Laakin dhag umaan sii dhiginee, waxaan Fadhiistay meel u dhawo Aabahey Agtiisa, waanan Dareemayaa inuu Raali iga yahay, haseyeeshee Waxaan ugu yar dhawaadey si dhaw oo muu dhaqdhaqaajin kareyn Gacmihiisa, sababtoo aha waxa aad u bogagiisu u waaweynayen Wargeyskuu Akhrinayey.
Hooyo iyo aabe, iyo labadeyda walaloodba , waxaan dareemayey inaan aad uga sii jacelanayey, Sidii Markii hore, oo waxa iigu beermay kalgacal qoysnimo.
Waan Af-bartey oo waxaan u Hadlayaa si wanagsan, weyna i Dhageysanayaan Dhamantood,shan sano markaad noqotana, waa mid aad u wanagsan, oo waxaad ka soo baxdey da"dan tii ka yareyd, oo waxaan ismoodayaa Nin kolba weyn.
waxa aan wali u sii Dabaaldageyaa Dhalashadeydii oo waxan ku heesayaa wali heestii ,""ma Noolaaneysaa Ma Noolaneysaa"" , Mooyi waxa i dabadhigee, wali waan ku heesayaa, waliba anoo si wanaagsan ugu Luuqeynaya.
Halmar ayaa waxa aan maqley in Albaabka guriga la soo gacaarey, waliba si aada oo aan kala joogsi laheyn, Laakiin intaan joojiyey heestii ayan ku boodey kursigii uu Aabahey Fadhiyey, waxanan u dhaqaaqey Dhinacaa iyo Albaabka , Haseyeeshee waxa iga horeysay oo iga lugdherysay hooyo oo iyadu aad uga Cadheysan qofka sidan albaabka u soo garaacey.
La Soco... Qabta Labaad
One attachment
• Scanned by Gmail
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!