Musharrax Cirro oo shacabka ka tacsiyadeeyey geerida ku timi Marxuum Cadami

0
Saturday February 04, 2023 - 09:28:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharrax Cirro oo shacabka ka tacsiyadeeyey geerida ku timi Marxuum Cadami

    INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN



Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada, qaraabada, waayeelka, waxgaradka, iyo Shacbiga reer Somaliland geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Axmed Xaaji Cali Cadami oo maanta xaqii ugu yimid caasimadda JSL ee Hargeysa.



Marxuum Cadami waxa uu ahaa shakhsiyad wanaagsan oo aanu in badan soo wada shaqeynay, isaga soo qabtay xilalka Wasiir iyo Guddoomiyihii ugu horreeyey ee KDQ oo uu ahaa raggii hormuudka ka ahaa in Jamhuuriyadda Somaliland ay dhabada nidaamka Axsaabta badan, dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka ay qaaddo.


Shakhsiyan, waxa aan qirayaa in uu ahaa addoon saalix ah oo nabadeynta dalka iyo dib u dhiskiisa door shariif leh ka soo qaatay, waxaa lagu xasuusan doonaa samo-talisnimadiisii, aftahamidiisii, dad-isku wadkiisii iyo cabqariyaddi, xikmaddii iyo kartidii uu la kacaamay ee uu Umaddiisa ugu soo shaqeynayey tan iyo hano-qaadkiisii.


Ilaahay waxa aan uga baryayaa in uu ku abaaliyo Jannatul-firdowsa, dambigiisana dhaafo, dhammaanteenna inaga wada siiyo samir iyo iimaan saadaq ah. Aamiin.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...