Ronaldo Oo Dhaliyay Goolkiisii Ugu Horreeyay Ee Horyaalka Sucuudiga

0
Saturday February 04, 2023 - 08:57:09 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 753
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ronaldo Oo Dhaliyay Goolkiisii Ugu Horreeyay Ee Horyaalka Sucuudiga

    "Ronaldo iyo kooxdiisa ayaa kulanka soo socda waxay u safri doonaan Al Wedha Khamiista"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ronaldo iyo kooxdiisa ayaa kulanka soo socda waxay u safri doonaan Al Wedha Khamiista"


 

 

Cristiano Ronaldo ayaa goolkiisii ugu horeeyay u dhaliyay kooxda Al Nassr kadib markii uu rigoore ka dhaliyay kooxda Al Fateh, waxaana ciyaartaasi oo aheyd mid xiiso badan oo ka tirsan horyaalka Sacuudiga ee Sauid Pro League ay kusoo idlaatay barbaredhac 2-2 ah.

 

37-jirka reer Portugal, oo shan jeer ku guuleystay Ballon D’Or, ayaa dhaliyay rigooradan saddex daqiiqo oo lagu daray ciyaarta, isagoo bishii hore ku guuldareystay inuu gool dhaliyo kulankiisii ugu horreeyay.

 

Ronaldo ayaa heshiis 2-1/2 sano ah la saxiixday Al Nassr bishii Diseembar, waxaana lagu soo waramayaa in uu ku kacayo in ka badan 200 milyan oo Yuuro ($216.54 milyan), waxaana loo magacaabay kabtanka wax yar kadib markii uu yimid kooxda.

 

Al Nassr ayaa hadda hoggaanka u haysa horyaalka, waxaana 15 kulan oo ay ciyaartay ay leedahay 34 dhibcood, waxayse dhibco wadaag yihiin kooxda Al-shabaab oo laakiin iyada ciyaartay kulan dheeri ah.

 

Ronaldo iyo kooxdiisa ayaa kulanka soo socda waxay u safri doonaan Al Wedha Khamiista.

 

VOA


Loading...
Loading...