"Maayar Hadal Macaan Hantida Ummadda Ma Badbaadiyo'e Nidaam Xisaabaad Daah-Furan Baa Lagu Dhawraa."

0
Friday February 03, 2023 - 23:03:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maayar Hadal Macaan Hantida Ummadda Ma Badbaadiyo'e Nidaam Xisaabaad Daah-Furan Baa Lagu Dhawraa."

    WQ / Cabdinaasir Axmed Abraham.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WQ / Cabdinaasir Axmed Abraham.



"Maayar Mooge  oo intaanu kursiga fadhiisanna dhalliisha sixitaan u yaqaan, innoona sharxaya ahmiyadda xorriyadda hadalka; maantana xaaraan u arka, bartan hoose ka daawo muuqaallo uu isagu iskugu jawaabayo.

 

Isaga oo su'aalihii ugu adkaa ee qof xil haya la weydiiyo, meel fageere ah ku daran-doorinaya mas'uul xil haya iyana bartan ka daawo.

Isaga oo mashaariic maanta dhammaystiran ku tilmaamaya been aan waxba ka jirin oo  ummadda lagu jaho-wareeriyay.

 

Isaga oo garashada ummadda liidaya, sheegayna in uu ummadda bilaash ugu shaqeeyo, taasi oo aan qof ahaan u arko; indho-adaygii ugu heerka sarreeyay ee qof mas'uul ahi ummad la hor yimaaddo, iyo arrin meel ka dhac ku ah xeerarka dalkeenu ku dhisan yahay, oo min nadiifiso illaa madaxweyne dadka qaranka u adeega qof kasta siinaya qaddar lacag ah oo mushahar ku magacaaban. Haddaba isagu wuxuu u arkaa wax wanaagsan oo ammaan lagu mutaysan karo'e waa dhaqan aan nidaamka dawladnimo meel na kaga jirin. Waxa aanan idin xasuusinayaa madaxweynayaashii dunida soo maray xataa kuwoodii ugu lacagta badnaa oo aan ka xusi karno; Taramkii Maraykan in aanu jirin nin afkiisa soo marin karayay uma baahni mushaharka qaranka oo lacag la'aan baan ugu shaqaynayaa.

 

Hadal macaanna hantida ummadda ma badbaadiyo'e nidaam xisaabaad daah-furan baa lagu dhawraa.

Lifaaqa hoose ka daawo hadaladiisii horeā€¦

 

https://youtu.be/l8aUb1e3OaE

https://fb.watch/iqRdyftAIU/

https://youtu.be/yzQFwI3yGhg

https://youtu.be/W-AlIa4--XU

https://youtu.be/_79sysxHDTg

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...