Ujeedada Safar Madaxwaynaha Somaliya Kutagay Baydhaba
Madaxweynaha Soomaaliya
Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa mar kale maanta gaaray
magaalada Baydhaba halkaasi oo uu ka socda wejiga labaad ee shirka
dib-u-heshiisiinta Koonfur-galbeed.
Shirkan ayaa u dhaxeeya
maamulka madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo
isku haya muddo xileedka madaxweynaha.
Muddo xileedka
madaxweynaha ayaa ku ekaa bishii December, sida ay ku doodayaan mucaaradka,
hase yeeshee baarlamanka Koonfur-galbeed ayaa horey sanad dheeri ah ugu
kordhiyey muddo xileedka madaxweynaha, taasi oo maamulka uu ku dheggan yahay.
Waa safarkii labaad ee
madaxweynaha uu ku tago magaalada muddo ka yar saddex toddobaad gudahood ah,
ayada oo madaxweynaha uu shirka dib-u-heshiisiinta soo furay 17-kii Janaayo.
Safarka madaxweynaha ee
maanta ayaa "ku qotama xaqiijinta Koonfur-galbeed heshiis iyo sidii uu miro
dhal u noqonlahaa shirka dib u heshiisiinta ee halkan uga socda hoggaanka,
siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed,” sida
lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.
Madaxweynaha iyo
wafdigiisa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo Guddoomiyaha
Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur,
Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan
Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.