Muxuu Yahay Nidaamka Ay Siyaasada Ku Soo Kordhisay Xukuumada Muuse?

0
Friday February 03, 2023 - 15:06:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Nidaamka Ay Siyaasada Ku Soo Kordhisay Xukuumada Muuse?

    "qoladan xukuumadda haysataa bal ha qoraan nidaamkan cusub ee ay dunida ku soo kordhiyeen!"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"qoladan xukuumadda haysataa bal ha qoraan nidaamkan cusub ee ay dunida ku soo kordhiyeen!"



Hargaysa (HWN) Prof-Abdi Ali Jama oo kamid ah aqoonyahanka Somaliland,  ayaa sheegay in aanay jirin dhinac looraaco xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxwaynaha muddo kordhinta ku fadhiya kurisaga ee Muuse Biixi.

 

Aqoonyahanka oo ka hadlayay laba wasiir oo ka tirsan xukuumada Muuse oo shalay hadlay oo midna hanjabayay midna sikale uhadlay ayaa su’aal geliyay xaga looraacayo xukuumada Muuse, aqoonyahanka ayaa sidaasi ku sheegay qoraalkan hoose oo uu daabacay:-

 

"Nidaam Syaasadeed oo Cusub bay Dunida ku so Kordhisay Xukuumada Muuse.

Laba wasiir ayaa hadlay, mid waxbuu maslaxayay, kii kalena wuu hanjabay; isla qaddiyad bay ka hadlayeen! Waxa kala duwan kaliya qabiilka ay labada wasiir ka soo kala jeedaan! Nidaamka dawladeed ee dunidu ku dhaqanto macal kali-taliyayaasha maynu arag wax caynkan ah; qoladan xukuumadda haysataa bal ha qoraan nidaamkan cusub ee ay dunida ku soo kordhiyeen!

 

Imika keebaa ku hadlay siyaasaddii dawladda. Halkee baa loogu soo hagaagayaa, ilayn meesha la ciyaari maayo e! Nidaamkan cusub ee ay dunida ku soo kordhiyeen ma aha siyaasadda oo kaliya ee xataa xuquuqdaadu waxay ku xidhan tahay reerka aad tahay! Mararka qaarkood wax bay ku yeeli kartaa in aad isku qolo tihiin madaweynaha! Kolba muraadka laga leeyahay bay ku xidhan tahay!”


Loading...
Loading...