Ilhaan Cumar Oo Laga Saaray Guddiga Arrimaha Dibadda Ee Aqalka Koongareeska

0
Friday February 03, 2023 - 11:24:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ilhaan Cumar Oo Laga Saaray Guddiga Arrimaha Dibadda Ee Aqalka Koongareeska

    "Jamhuuriyiinta ayaa sheegaya in tallaabadani ay dirayso fariin xooggan oo ka dhan ah naceybka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Jamhuuriyiinta ayaa sheegaya in tallaabadani ay dirayso fariin xooggan oo ka dhan ah naceybka"



 

Xisbiga Jamhuuriga ayaa xildhibaan Ilhaan Cumar ka xayuubiyay xubinimadii guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Koongareeska, taasoo muujineysa xiisadda ka dhex aloosan aqalkaasi gudihiisa.

 

Waxay u codeeyeen in Ilhaan laga saaro guddiga arrimaha dibadda sababo la xiriira hadallo ay horey uga tiri Israa'iil.

 

Jamhuuriyiinta ayaa sheegaya in tallaabadani ay dirayso fariin xooggan oo ka dhan ah naceybka.

 

Laakiin Dimuqraadiyiinta iyo Ilhaan Cumar ayaa sheegay inarrintaani ay tahay aargoosi kadib markii laba xubnood ooJamhuuriyiin ahaa laga saaray guddiyo 2020 markaas oo Dimuqraadiyiintu ay haysteen aqlabiyadda Aqalka.

 

Jamhuuriga ayaa haatan leh aqlabiyadda Aqalka Congreyska sidaas awgeedna iyaga ayaa soo magacaabay dhamaan xubnaha kala duwna ee aqalkaasi.


Loading...
Loading...