Madaxwaynaha Puntland Oo Cafis Ufidiyay 57 Maxbuus

0
Friday February 03, 2023 - 09:38:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Puntland Oo Cafis Ufidiyay 57 Maxbuus

    Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo

 

 


Boosaaso: (HWN) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 007 ee 29ka January, 2022, kuna saabsan Cafis gaar ah oo loo fidiyey maxaabiis ku xiran xabsiyada Dowladda Puntland.

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadasiisa 11-aad

 

Markuu tixgeliyey:  Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta.

 

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa cafis gaar ah loo fidiyey 57 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland kuwaas oo mutaystay in cafis loo sameeyo ka dib markii uu habdhaqankoodu wanaagsanaaday loona sameeyey dhaqan celin.

 

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

 

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Loading...
Loading...