Shacabkii Ka Qaxay Gobolka SOOL Oo Fariin Loodiray

0
Friday February 03, 2023 - 09:29:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1847
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabkii Ka Qaxay Gobolka SOOL Oo Fariin Loodiray

    " Waxaan leenahay Shacbiga is dajiya durbaankan la tumayo ha u dheg taagina"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Waxaan leenahay Shacbiga is dajiya durbaankan la tumayo ha u dheg taagina"



Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha Gobolka Sool Abdikariim Adan X.diiriye ayaa sheegay in mudaharaadki salmiga ahaa ee dadka rayidku dhigaayeen ay ka faa'idaysteen dad qaswada yaal ah, balse gobolka Sool aanay ka jirin wax dhibaato ah, isla markaana loo baahan yahah in la xoojiyo amniga gobolka.

 

Badhasaabka Sool Cabdikariin Aadan Diiriye oo maanta qudbad ka jeediyay Xuskii 29 guuradii aasaaska Ciidanka Qaranka Somaliland waxa uu shacabkii ka qaxay Laascaanood ugu baaqay inay kusoo laabtan deegaankooda oo aanay u dhag taagin durbaanada la tumaayo ee sababay inay ka bara kicinaayay guryahooda, waxaanu uso jeediyay inta kale ee gobolka ku sugan inaanay qaxin oo gobolku nabad yahah, balaayana ka jirin

 

"Laascaanod waxaa ka taagnaa mudo rabshado ay keeneen dilalkii ka dhacaayay gobolka markii danbana isu rogay in laga faa'idaysto oo mudaharaadkii salmiga ahaa ee shacabku iskugu soo baxeen, balse loo badalay in qalalaaso iyo dhibaato lagu sameeyo Caasimada gobolka ee Laascaanood.

 

"Waxaan leeyahay Shacabkii Laascaanood ku sugn ee ka qaxay Iyo kuwa hada qaxaayaba balo ma jirto kuwii qaxay waxaan leeyahay degmadiina kuso noqda kuwa qaxayana joojiya, degmada iyo gobolka waxba kama jiraan.”

 

Gudoomiye Cabdikariin Aadan oo hadalka sii wadaa waxa kale oo uu shacabka ugu baaqay inay is dajiyaan oo aanay muujin wax welwel ah, deganaashana ay ku joogaan Waxaanu yidhi:-

 

" Waxaan leenahay Shacbiga is dajiya durbaankan la tumayo ha u dheg taagina, qof waliba gobolkiisi, degmadiisi iyo degaankiisi inuu nabad ku deganaado ayaa qurux badan, belo kaa fogna looma yeedho

 

Shacbiga waxaan leeyahay walaalayaal wax dhibaato ahi ma jirtaane waxaan idin leeyahay guryihiini iyo hoygiini kuso noqda" ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkii Gudoomiyaha gobolka Sool Cabdikariim Aadan Diiriye.


Loading...
Loading...