Fadeexad Laaluush Oo Xasaanadda Looga Qaaday Xildhibaano Baarlamaanka Yurub Ah

0
Friday February 03, 2023 - 09:18:49 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 596
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad Laaluush Oo Xasaanadda Looga Qaaday Xildhibaano Baarlamaanka Yurub Ah

    "Waxaa loo dhacay guriga Mr Tarabella bishii hore markaa oo boliiska ay soo qabteen afar qof"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa loo dhacay guriga Mr Tarabella bishii hore markaa oo boliiska ay soo qabteen afar qof"



Baarlamaanka Yurub ayaa u codeeyey in xasaanadda laga qaado labo xildhibaan oo ay dowladda Beljam uga shakisan tahay in ay ku lug lahaayeen fadeexad weyn oo musuqmaasuq ah taas oo gilgishay baarlamaankaasi.

 

Labada xildhibaan ee talyaaniga ah eeAndrea Cozzolino, iyo Marc Tarabella, ayaa beeniyey in ay galeen wax qalad ah iyadoo lagu eedeeyey in ay dalaka Qadar iyo Marooko ay isku dayeen in ay saameeyaan baarlamaanka Yurubiyagoo isticmaaalaya laaluush ., labaadaas dalna wey dafireen arrintaa .

 

Haatanse baarlamaanku wuxuu u codeeyey in shaqsiyaadkaasi laga qaado xasaanadda

 

Xildhibaanada in xasaanadda laga qaado waxaa codsaday dowladda Belguim oo baaraysa fadeexad musuqmaasuq ah oo loo bixyey Qatargate – ama fadeexaddii Qatar taas oo soo baxday markii xildhbaan Greek ah iyo saddex kale la xiray markii looga shakiyey in ay laaluush qaateen isla markaana lacag ay isdaba mariyeen.

 

Mid ka mid ah dadka laga shakisan yahay ayaa markii dambe oggolaaday in sheego wixii oo dhan isagoo qeyb ka ahaa heshiiska .

 

Pier Antonio Panzeri ayaa lagu heystaa in uu madax ka ahaa shabakad qaadatay laaluush ay bixiyeen dalalka Qatar iyo Morocco si ay saameyn ugu yeeshaan baarlamaanka Yurub .

 

Lcag gaaraysa 1.5 milyan oo Euro una dhiganta 1.3 milyan oo pound ayaa lagu helay si kaash ah markii loo dhacay guryo ku yaalla Brussels iyo Takyaaniga .

 

Qatar iyo Morocco labadaba waa diideen eedeymahaa ku saabsan in ay rabeen saameyn ay ku yeeshaan baarlamaanka Yurub . Hase yeeshee dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Mr Panzeri u qirtay mas’uuliyadda Dambigaas.

 

Waxaa loo dhacay guriga Mr Tarabella bishii hore markaa oo boliiska ay soo qabteen afar qof oo laga shakisnaa , ka dibna waxay dacwad oogayaashu weydiisteen baarlamaanka in xasaanadda ninkaas .

 

Marqaatiyaashaka horjeeda ninkan ayaa sheegaya in marar dhowr ah lacago la siiyey ninkan.

 

Bishii hore ayey dacwad oogeyaashu waxay sheegeen in Mr Panzeri oo ah Talyaani horena uga mid ahaa baarlamaanka uu oggolaaday in uu bixiyo faahfaahin ku saabsan sida ay fadeexaddu u dhacday iyo dadkuu ku lugta lahaa iyadoo loogu bedelayo muddo hal sano ah oo xabsi ah .

 

Xaaskiisa iyo gabadhiisa ayaa laga sii daayey xabsi guri ay ku jireen toddobaadkii hore taas oo qeyb ka ah hashiiska hore la sila gaaray

 

VOA


Loading...
Loading...