Naakhuudihii Waday Doon Berbera Ka Baxday Oo Geeriyooday & Shaqaalihii Kale Oo La Soo Badbaadiyay

0
Thursday February 02, 2023 - 10:39:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Naakhuudihii Waday Doon Berbera Ka Baxday Oo Geeriyooday & Shaqaalihii Kale Oo La Soo Badbaadiyay

    "waxa nabadqab lagu helay xalay Shaqaalihii baxaarida ahayd ee la socotay doontii degtay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxa nabadqab lagu helay xalay Shaqaalihii baxaarida ahayd ee la socotay doontii degtay"

 



Hargaysa (HWN) Naakhuudihii waday doon dhawaan Dekedda Berbera ka qaaday Xoolo nool oo degtay ayaa geeriyooday balse waxa la soo badbaadiyay shaqaalaha intii kale.

 

Shaqaalahan oo la la’aa muddo laba maalmood ayaa la helay balse waxa la xaqiijiayay in uu geeriyooday Naakhuudihi waday doonta sida uu xaqiijiyay Maareeyaha Dekedda Berbera.

 

"Muddo laba cisho ah oo baadi doonkooda lagu jiray ka dib, waxa nabadqab lagu helay xalay Shaqaalihii baxaarida ahayd ee la socotay doontii degtay ee SK Marwah. Balse waxa xannuunka macaanka oo uu la noolaa awgii u geeriyooday Naakhuudihii doontaas waday oo u dhashay dalka Hindiya.

 Cisbitaalka Berbera ayaa la soo gaadhsiiyay maydka marxuumka geeriyooday.” Sida uu sheegay Maareeyaha Dekedda Berbera.

 

Doontan ayaa xoolaha ay waday ee ay la degtay ay iska lahaayeen ganacsato reer Somaliland ah.


Loading...
Loading...