IGAD Oo Madaxwaynaha Jabuuti Ku Dhiiri Geliyay Hawl Uu Kawado Laascaanood

0
Thursday February 02, 2023 - 10:33:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2503
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    IGAD Oo Madaxwaynaha Jabuuti Ku Dhiiri Geliyay Hawl Uu Kawado Laascaanood

    "Xoghayaha Guud ee IGAD, Workneh Gebeyehu , waxa kale oo uu sheegay in ay walaac ku abuurtay dhimashada iyo dhaawac"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xoghayaha Guud ee IGAD, Workneh Gebeyehu , waxa kale oo uu sheegay in ay walaac ku abuurtay dhimashada iyo dhaawac"

 


Hargaysa (HWN) Urur-Goboleedka IGAD, ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele dedaallo xal raadineed oo uu  ka wado Gobolka Sool, halkaas oo dhawaan mudaharaadyo rabashado wata oo dhimasho iyo dhaawac sababay ka dhaceen.

 

Xoghayaha Guud ee IGAD, Workneh Gebeyehu oo khudbad dheer ka jeediyey Shir ka dhacay Kenya waxa uu qayb ka mid ah Khudbadiisa kaga hadlay xaaladda Laascaanood, waxa uu sheegay In Urur ahaan ay bogaadinayaan dhexdhexaadinta uu wado Ismaaciil Cumar Geele in xal loogu helo Xiisadda Sool, isla markaana waxa uu xusay in ay ku dhiiri gelinayaan inuu sii wado ka shaqaynta dedaaladaasi nabaddeed.

 

Xoghayaha Guud ee IGAD, Workneh Gebeyehu , waxa kale oo uu sheegay in ay walaac ku abuurtay dhimashada iyo dhaawac dadka rayidka ah ee ka dhacday Laascaanood.



No description available.

 

Xigasho- Saleebaan Saxansaxo

Loading...
Loading...