'Sweden kuma biiri karto NATO haddii la ogolaado in la gubo Qur'aanka' Erdogan
Madaxweynaha dalka
Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in Turkigu aanu ogolaan
doonin in Sweden ay ku biirto gaashaanbuurta NATO, illaa iyo inta dalkoodu ogol
yahay inay dhacaan mudaharaado lagu xumaynayo kitaabka barakaysan ee Quraanka
Kariimka ah.
Dalka Turkiga ayaa in
muddo ah hortaagnaa in dalalka Sweden iyo Finland ay ku biiraan isbahaysiga
milateri ee dalalka reer Galbeedka, ka dib markii uu Turkigu si weyn uga
cadhooday banaanbaxyo dhawr ah oo lagu qabtay Stockholm, kuwaas oo kitaabka
quraanka ah lagu gubay afaafka hore ee safaaradda Turkigu ku leeyahay Sweden,
isla markaana deldelay sawirta Erdogan, iyo weliba in dalka Sweden uu
martigeliyo xubno mucaarad ku ah Turkiga, kuwaas oo Turkigu ku daray liiska
argagixisada.
Haatan waxaa dib loo
dhigay shir muhiim ah oo ka dhici lahaa Brussels, kaas oo lagaga hadli lahaa
xubinimada labadan dal, maadaama Turkigu uu si cad u sheegay inaanu u codaynayn
in Sweden ay ku biirto gaashaanbuurta NATO.
"Sweden waxaan
leeyahay, ha isku mashquulin [inaad hesho ogolaanshahayaga], inta aad
ogolaataan in Kitaabkayaga Quraanka ah la gubo lana jeexjeexo, xilli ay laamaha
ammaankuna la qabaan falkaas, naga heli maysaan inaan 'Haa' ugu codayno inaad
ku biirtaan NATO" ayuu yidhi Erdogan.
Masuuliyiin ka tirsan
dawladda Sweden ayaa iska fogeeyey mudaharaadada, iyaga oo xidhiidh ka
dhexeysiiyey, mudaharaadada dhacay iyo ilaalinta xorriyadda hadalka.
Talaadadii, ra'iisal
wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa dhaleeceeyey kooxaha soo abaabulay
bannaanbaxyada.
VOA