Maxkamadda Ciidamada Oo Toogatay Afar Askari

0
Thursday February 02, 2023 - 10:16:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Ciidamada Oo Toogatay Afar Askari

    "Waa toogashadii dambeysay ee ay fuliso maxkamadda Ciidamada qalabka Sida"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa toogashadii dambeysay ee ay fuliso maxkamadda Ciidamada qalabka Sida"


 


Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka toogatay afar askari oo ka kala tirsanaa militariga, booliska iyo NISA, kuwaas oo lagu helay eedihii ahaa inay dileen xubno ay ka wada tirsanaayeen ciidamada, sida uu sheegay ku xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada Maxamed Cabdullahi Khaliif.

 

Askarta la toogtay ayaa kala ahaa Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA ka tirsanaa, Cali Maxamuud Xuseen oo militariga ka tirsanaa, Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar oo Boliiska ka tirsanaa iyo Maxamed Nuur Sheikh Warre oo isna Boliiska ka tirsanaa, kuwaas oo sida ay sheegtay Maxkamaddu lagu helay inay si 'bareer ah u dileen' askar kale.

 

Waa toogashadii dambeysay ee ay fuliso maxkamadda Ciidamada qalabka Sida, iyadoo dhowr jeer hore u fulisay toogasho noocan ah.

 

Madaxda dowladda Federaalka ayaa marar badan askarta dowladda uga digay dilalka sharcidarrada ah.

 

VOA


Loading...
Loading...