Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya Oo Loo Heysto 'Muuqaal Qarsoodi Ah' Oo Uu Sheegay In Uu Hayo
Madaxii hore ee guddiga
doorashada Kenya, ayaa ku hanjabay in uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi
doono hogaamiyaha mucaaradka dalka Kenya, Raila Odinga, kadib markii uu
siyaasigu ku eedeeyay in kooxda codbixinta oo uu ku jiro guddoomiyaha ay
gurigiisa ku booqdeen doorashadii sida adag looggu dagaalamay sanadkii hore,
sida ay ku warantay warbaahinta gudaha.
Raila Odinga ayaa waday
waa yadan danbee isu soo baxyo isdaba joog ah, isagoo ku andacoonaya in Wafula
Chebukati uu sameeyay wax isdaba marin, taasoo keentay in uu ku lumiyo
tartankiisii shanaad ee madaxtinimada.
Inkastoo maxkamada sare
ay meesha ka saartay sheegashadiisa ku shubashada doorashada, Odinga, ayaa
dhawaan sheegay inuusan madaxweyne William Ruto, u aqoonsaneyn hogagamiye
sharci ah, wuxuuna dalbay inuu iscasilo.
Axadii, ayaa wuxuu ku
hanjabay Raila inuu baahin doono muuqaal muujinaya Chebukati iyo kooxdiisa oo
imanaya gurigiisa.
Balse Chebukati, ayaa
beeniyay in aanay jirin xili ay tageen guriga hoggaamiyaha, isagoo sheegay in
sheegashadaasi ay tahay mid been abuur ah, "ayna hoos u dhigtay
sharaftiisa."
Qareenka Steve Ogolla,
ayaa yiri: "Qofka aan u doodayo waxa uu ka xumaaday in aanad wax taxaddar
ah, ama mas'uuliyad ku dheehan tahay aanad qaadanin, marka aad sheegayso
hadalada xun ee ka dhalanaya in macmiilkayaga uu soo gaaray dhaawac sumcadeed
oo halis ah, iyada oo la tixgelinayo maqaamkiisa iyo mawqifkiisa guddoomiyihii
hore ee IEBC," qareen Steve Ogolla ayaa sidaasi ku sheegay war uu soo
saarey.
Qareenada Chebukati,
ayaa sido kale Odinga u qabtay toddobo maalmood, si uu u caddeeyo
sheegashadiisa, haddii kale ay qaadi doonaan talaabo sharciga waafaqsan.
Isniintii, madaxweyne
William Ruto, ayaa waxa uu la yaabay sababta ay doonayeen iney tagaan guriga
Odinga hawl wadeenada katirsan guddiga doorashada.
BBC