Sidee dhakhso Wax loogu qoraa ?

0
Tuesday January 31, 2023 - 09:36:45 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1023
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee dhakhso Wax loogu qoraa ?

    Sow ma dooneysid ineyna waqtiba kugu qaadan waxa aad qoreyso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sow ma dooneysid ineyna waqtiba kugu qaadan waxa aad qoreyso



Waxa laga yaabaa in dooneyso inaad buug qorto, ay kugu qaadato ammin dheer.

Wixii aad qalinka u qaadataba waad la rafaneysaa. Ma tihid mid tallaabo dheer.


Sidii awr seetaysan ayaa aad siniqsanaysaa. Waar ma diinkii sahanka loo direy baa? Wixii aad bilowdaba, dhammeyntiisa ayaa aad la daahaysaa. Sida aad hawsha u wado, waxa aad moodaa in Qiiyaamuhu kugu soo gaadhayo! Arrintaasi, waxa ay dareen aan fiicnayn ku beertaa qoraayo badan.



Haddaba, bishaareyso waxa aan kuu hayaa farsamooyin aad ku furdaamin karto. Waxa aan ku siinayaa xeellado aad dhakhso ugu qori karto. Marka aad qalinka iyo waraaqda aad isdul qabato, xawaaraha aad ku qoreyso, waxa laga baqi doonaa in dab ka dhex dhasho oo ay ku sigatoba in waraaqdo olosho!


Sow ma dooneysid ineyna waqtiba kugu qaadan waxa aad qoreyso? Bal wadooyinkan soo socda raac:

Qodobka 1aad:Iska yaree waxyaabaha kaa jeedinaya qoraalka.


Waa inaad aad uga taxadirtaa waxyaabaha kaa soo dhexgelaya shaqada qoraalka ee aad wado. Kolba halkii kuu habboon waa inaad wax ku qortaa; haddii gurigu kugu qeylo badan yahay, waa inaad meel kale sida Maktabbaddaha akhriska tagtaa; Haddii inaad guriga wax ku qortaa kuu fiican tahay waa inaad ku qortaa.


Arrinta ugu muhiimsan waxa ay tahay, inaad ka fogaato wixii ku mashquulinaya. Waa inaad dhegsaarka(mobile) iska bakhtiisaa ama wixii kale ee carqallad ku keeni kara, iney hawshaadu socoto.


Marka aad ka dheeraato wixii ku mashquulinaya, waxa aad diiradda saareysaa hawshii aad gacanta ku haysay.

Dareenkaagii oo dhammi wuxuu isugu tagayaa waxa aad qoreyso. Maskaxda ayaa aad tuujinaysaa. Qalbiga ayaa aad wax ka qoreysaa .


Marka aad wax ku qoreyso degaan ka xor ah buuq iyo sawaxan, waxa aad qoreyso niyadda ayaa aad siinaysaa oo nafta ayaa aad duldhigaysaa.


Jab wuxuu joogaa marka aad rabto inaad wax qorto ee marka aad sidaa u fadhiisataba, halkan buuq kaaga furan yahay. Halkan carruuri ka ooyayso. Halkan hees kaaga baxayso! Meesha sidaasa habarteed bey ka tahay inaad wax ku qori kartid! Maaha degaan ka caagan buuq.


Marka aad dooneysid inaad waxa aad qoreysid hore u dhammayso, waa inaad ka dheeraato wixii tashuush kugu furaya! Macnaha oo koobani wuxuu yahay: wax ku qor deegaan ka xor ah buug, si aad degdeg ugu dhammayso wixii aad qoreysey.


Qodobka 2aad: Inta aanad qorin ka hor, maskaxda ku sawir!

Haddii marar badan ay kugu dhacday in marka aad qoraalka bilowdid uu kugu soo istaagayo oo aad maareyn kari weydo inaad sii wadid, waa inaad adeegsataa farsamada ah inaad maskaxda kusii sawirtid ka hor inta aanad qorin! Waa inaad sii sawirataa inta aanad qalinka la boodin.


Haddii, aad dhacdo wax ka qoreysid, waa inaad marka hore dhacdadii maanka ku qaadataa sidii inaad joogtid meeshii wax ka dhaceen oo kale. Waa inaad ka fikirtaa sida wax u dhaceen. Xaalladihii ku gadaanaa... Dareennadii ay bixineysay dhacdadu, adiga oo maskaxdaada dhexdeeda ku faahfaahinaya!


Haddii aad wax ka qoreysid jilaaga sheekadaada, waxa aad ka soo qaadeysaa adiga maskaxdaada ku sawiranaya , inaad la kulantey oo kale. Inta aad isbarateen miis wada fadhiisateen oo aad koob shaaha wada cabteen . Wada sheekeysateen oo aad isxaal-warreysataaan. Markaa waa inaad ka hadashaa sida uu u eegaa.. sida uu u hadlayay... Sida uu wax uga falcelinayay ... Dabeecadihiisa.. sidaa uun u wad ...


Farsamaddan maan-ku-sawirku, wuxuu qoraagu ka caawiyaa in uu qoro qoraal cad. Qoraal aan madmadow ku jirin oo cid walba garan karto. Waxa kale oo habkani innaga caawiyaa halkii aynu u soconnay oo ah: inaad dhakhso wax u qorto! Haa! Maan-ku-sawirku wuxuu kuu fududeynayaa inaad wixii aad qoreysey hore u dhammayso ileen maanka ayuuba kuugu jiraa wixii aad rabtey inaad qorto.


Waxa aad garaneysaa sida ay dhacdadu ahayd ee ay isagu xigxigtay, uma baahnidba inaad ka fikirto maxaa ku xiga; qoraalku sida biyo buur dheer ka soo shalwanayaa, ayuu u dareerayaa. Mar qudha qalinka waraaqda kama dulqaadeysid! Mar haddii ay sidaa tahayna , dhakhso ayaa aad u dhammanaysaa wixii aad qoreysey ee garo.


W/Q: Maxammad Haybe Axmed.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...