Faafan, waa Faafan-Direed, oo waa dhul Direed, oo waa deegaan Direed

0
Monday January 30, 2023 - 09:29:55 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Faafan, waa Faafan-Direed, oo waa dhul Direed, oo waa deegaan Direed

    Daaroodku, Axmaaradii uu u adeegi jirey, ee gibirka .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daaroodku, Axmaaradii uu u adeegi jirey, ee gibirka .....



Faafan, waa Faafan-Direed, oo waa dhul Direed, oo waa deegaan Direed, oo beelaha Direed, ee Jeegaanta (Habar Jecle iyo Habar Awal), Jaarso, Samaroon, Ciise, Akisho, Gurgure, Bursuug iyo Sheekhaash (Sheekhaal), ayaa iska leh.

 


Daaroodku, safar ayay Faafan-Direed iyo Jigjiga ku iman jireen, oo marka ay ka muraadsadaan, ee danahoodu u dhammaadaanna, awrtooda ayay heeryeysan jireen, oo xidhiidhsan jireen. Ka dibna, dhabbadii ay Faafan-Direed ka soo galeen, ayuun bay iyaga oo cukan ay dib uga laaban jireen.



 

Daaroodku, dhawaan uun buu Faafan-Direed iyo Jigjiga soo martiyey, oo intii hore, marti laga raalli yahay, ayuu ahaan jirey. Laakiin, sidii Axmaaradu ay Faafan-Dired u timid ba, Daaroodku wuu is baddaley, oo marti gurracan, oo Axmaar-u-adeegayaal ah, oo Axmaar-ku-naax ah, ayuu u diga-rogtey. Ka bacdina, dhul-ku-muran iyo dhul-boobid ayuu bilaabey; oo Dir badan ayuu sidaas ku beera-kiciyey, oo Dir badan ayuu sidaas ku bara-kiciyey.

No description available.

 

Daaroodku, Axmaaradii uu u adeegi jirey, ee gibirka uu beeraleyda Direed uga soo ururin jirey, waa bu ku liibaaney, oo waa bu ku badhaadhey, oo dhul-Direed buu ku heley, oo Dir buu Faafan-Direed kaga didsadey; ama uu kaga qaxiyey.


 

Daaroodku, dhammaantood safar ayay Faafan-Direed ku yimaaddeen, oo waddadii ay Faafan-Direed ka soo galeenna, way wada garanayaan. Sidaas darteed, iyaga oo raalli ah, waa inay jidkii ay Faafan-Direed u soo mareen, waa inay si degdeg ah, oo nabad ah, waa inay cagaha u saaraan; oo Faafan-Direed iskaga hulleelaan.


 

Reer Faafan-Direedkuna, waa inay wada baraarugaan, oo qurba-joog iyo qodaal-joog, wax-garad iyo waayeel, aqoonyahan iyo indheer-garad, haween iyo rag, waa inay is wada abaabulaan, oo shirar joogteysan iyo wada tashiyo joogteysan, waa inay degdeg u qorsheystaan, oo Faafan-Direed ay dib u Faafan-Direeyaan – bi idni Allaah.


 

Sidaas si la mid ah, waa inay dhallinyarada Direed, ee warbaahintuna, waa inay kaalintooda, ama doorkooda ka libin keenaan, oo dadaalladooda iyo doodahooda ay sii laba-jibbaaraan; oo Faafan-Direed ay qawlkooda iyo qalinkooda ku difaacaan – bi idni Allaah.


 

Yoolkeennu, waa Faafan-Direed, oo Faafan-Direed ah.


 

Tixgalin mudnaan badan leh.

 

Maxamed Sheekh Daahir

[email protected]

https://tashiwanaag.com/

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...