Carfisada Guryaha Oo Laga Digay Inay Sababto Dhimasho
Waaliddiinta gabadh
geeriyootay ka dib markii ay qaadatay hawada carfisada guryaha ayaa ka doonaya
shirkadda soo saarta carfisadan inay dadka uga digaan halista ka dhalan karta.
Giorgia Green, oo
gabadh 14 jir ahayd kana soo jeedda Derby, UK, ayaa wadnuhu istaagay ka dib
markii carfisada ay ku buufisay qolka jiifka.
Waaliddiinteeda ayaa
tan iyo xilliggaas ka war ka helay dad da' yar ah oo aan si ula kac aheyn u
dhintay kadib markii ay uriyeen carfiso.
Iyada oo laga jawaabayo
arrintan, ururka warshadaha soo saara carfisadanAerosol ee Britain (BAMA) ayaa
sheegay in carfisada ay ku dul qoran yihiin ereyo "digniino ah oo iska
cad".
Sharci ahaan,
shirkadaha so saara carfisada waa inay ku dul qoraan weelka ay ku jirto
"ka fogee isla markaana dhig meel aanay carruurtu gaari karin". Si
kastaba ha ahaatee, waalidiinta Giorgia waxay yiraahdeen qoraalku far yar buu
ku qornaa.
Waxay aaminsan yihiin
in waalidiin badan ay carruurtooda u iibiyaan carfisada iyagoon dareemin
digniinta ku qoran.
"Dadku ma
yaqaannaan waxyaabaha halista ah ee ku jira carfisada," ayuu yiri gabadha
geeriyootay aabbaheed oo la yiraahdo Paul.
"Waxaan jeclaan
lahaa in qof ku nool adduunka uusan marin dhibaatadii aan soo maray".
Giorgia waxay qabtay
xanuunka autism-ka, aabbaheedna wuxuu sheegay in gabadhiisa ay jacleyd in
bustayaasha ay ku buufiso carfiso.
"Udgoonka
carfisada ayay jecelyd oo soo jiidatay," ayuu yiri Mr Green.
Giorgia walaalkeed ka
weyn ayaa arkay gabadha iyada oo aan hadleyn xilli ay ku sugneyd qolka jiifka
11 May 2022.
"Albaabka guriga
wuu furnaa, ma kala cadda in carfisada ay si daran guriga ugu buufiso iyo in
kale balse waxay u muuqataa in wax badan ay ku buufisay halkaas"
"Mar uun
wadnaheeda ayaa istaagay ka dib markii carfisada ay jirkeeda gashay"
Lama ogo sababta ay u
geeriyootay balse "waxaa lagu tirinayaa inay nuugtay carfisada".
Sida laga soo xigtay
Xafiiska Tirakoobka Qaranka (ONS), in carfisada lala xiriiyay 11 dhimasho ah
intii u dhaxaysay 2001 iyo 2020.
Si kastaba ha ahaatee,
tirada dhabta ah ee dhimashadu waxay u muuqataa inay ka badan tahay tan, sababtoo
ah xaqiiqda ah in walxaha gaarka ah aan had iyo jeer lagu xusin shahaadooyinka
muujinaya dhimashada.
Shahaadada dhimashada
ee Giorgia waxay tilmaamaysaa inay qaadatay hawada carfisada.
Butane - oo ah maadada
ugu muhiimsan ee laga helay carfisada hawadeeda ay qaadatay Giorgia - ayaa la
diiwaangeliyay inay ku lug laheyd 324 dhimasho intii u dhaxaysay 2001 iyo 2020.
Propane iyo isobutane - oo sidoo kale laga helay carfisadan - waxaana lala
xiriiriyay 123 iyo 38 dhimasho ah.
ONS waxay sheegtay in
walxahan lala xiriiriyay tiro dhimasho ah, iyadoo xustay: "Qaadashada
hawada butane ama gaasta propane waxay keeni kartaa wadne xanuun."
Ururka Royal ee ka
hortagga shilalka ee (RoSPA) ayaa sheegay in tiro dad ah ay dhinteen ka dib
markii ay si xad dhaaf ah ay isugu buufiyeen carfiso.
Ashley Martin, oo ah
lataliyaha caafimaadka bulshada ee RoSPA, ayaa tiri: "Waa ay fududahay in
loo qaato inay gabi ahaanba la isku haleyn karo badqabka oo aan laheyn wax
halis ah, run ma ahan arrintaas".
Ururka warshadaha soo
saara carfisadanAerosol ee Britain (BAMA bayaan uu soo saaray ayaa sidatan lagu
sheegay : "Ururka (BAMA) wuxuu si dhab ah ula tacaali doonaa dhacdo kasta
oo ku lug leh wax soo saarka carfisada, aad ayaan uga murugoonnay inaan ogaanno
dhimashada qof aad u da'yar.
BBC