Beesha Samaroon Oo Tabasho Xoogan Ka Muujisay Xukuumada Muuse
Hargaysa (HWN) Waxgarad
iyo aqoonyahan ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa maalmihii ugu dambeeyay kulan
kulahaa magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.
kulanka ay lahaayeen
waxgaradka ka soo jeeda beesha Samaroon ayaa ku saabsan sidii beeshaasi ay
iskugu iman lahayd shir ay kaga tashanayso aayaheeda, maadaama shacabka
deegaanadaasi ay tabasho ka qabaan xukuumada Muuse Biixi.
Sida xogaha ay helayso
shabakada Hadhwanaagnews ay sheegayaan weli lama shaacain halka shirkaasi ka
qabsoomidoono.
Shirkan ay qaban
qaabinayaan Beesha Samaroon ayaa ku soo aadaya xili Beesha Dhulbahante uu shir ay
beeshaasi aayaheeda kaga tashanaysaa uga socdo magaalo madaxda gobolka Sool ee
Laascaanood.
Beelaha Darafyada
Somaliland ayaa inta badan ka cawda beesha Dhexe ee Isaaq, taasi oo isku
koobtay jagooyinka ugu sareeya xukuumada iyo sidoo kale ilaha dhaqaalaha leh ee
Dalka.
Isku soo wada duuboo
haddii culayska hada ay beesha Dhulbahante saartay Xukuumada Muuse Biixi ay ugu
darsanto Tabasho ka soo yeedha beesha Samaroon, saamayn intee leeg ayay ku
yeelan kartaa xukuumada Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxwaynaha wakhti
xileedkiisii dhamaaday ee Muuse Biixi?


0 





