Faa'idooyinka Caafimaad Ee Laga Helo Shaaha Sanjabiisha Leh
Shaaha
sanjabiisha leh waxaa lagu diyaariyaa iyadoo lagu kariyaa sinjabiil laa
qalajiyey ama mid qoyan, caleenta shaaha iyo biyo kulul, dhowr daqiiqo kadib
shaahi waa diyaar, taasoo u oggolaanaysa in saliidda sinjabiilku ay ku dhex
karto biyaha ka hor inta aan la cabbin shaaha.
Shaaha
sanjabiilka leh wuxuu leeyahay dhadhan diirran, oo xoogaa kuleyl leh, qofka
xitaa wuxuu adeegsan karaan sanjabiisha qoyan midda budada ah, waxaa wanaagsan
in qofka uu isticmaalo subixii hore.
Taariikhda
sanjabiisha
Taariikhda
shaaha sanjabiilku waxa uu soo jiray ilaa 5,000 oo sano ka hor ilaa Shiinaha,
halkaas oo dhaqan ahaan looga isticmaali jiray dawo ahaan . markii dambana
Sanjabiishu waxaa la geeyay qaaradda Yurub oo lagu darsan jiray cuntada.
Faa'idooyinka caafimaad
ee laga helo shaaha sanjabiisha leh
Wuxuu yareeya xanuunada
ku dhaca dheefshiidka
Shaaha sanjabiilka
wuxuu caan ku yahay awoodda uu u leeyahay inuu dejiyo dhibaatooyinka
dheefshiidka, iyo gaar ahaan, wuxuu qofka ka caawiyaa yaraynta lallabada.
Mid ka mid ah
daraasadaha lagu sameeyay waxtarka shaaha sanjabiisha leh ayaa xitaa soo
jeedinaysaa in laga yaabo in uu leehay waxtarka dawooyinka qaar, laakiin qofka
xooggaa wuxuu kala kulmi karaa saameyn xun sida in qofka uu dareemo qandho
subixii hore.
Wuxuu ka hortagga
xasaasiyadda
Sanjabiilku waxaa ku
jiraa maaddooyin muhiim ah oo naqafo leh oo loo yaqaanno gingerols,
cilmi-baaristana waxay muujisay in maaddooyinkan ay ka hortaggaan in
bakteeriyada ay jirka ku faafto.
Wuxuu sidoo kale ka
hortaggaa dhibaatooyinka ka dhasha xasaasiyadda, marka uu qofka cabbo shaaha
sanjabiisha leh wuxuu qofka ka caawinaya sare u qaadidda caafimaadka jirka.
Wuxuu yareeyaa halista
dhiig-karka
Daraasad la sameeyay
sanadkii 2017-kii ayaa lagu ogaaday in dadka maalin kasta isticmaala
sanjabiisha ay ku yartahay halista ah in uu ku dhaco xanuunka dhiig-karka.
Inkasta oo aysan
daraasadda si gaar ah u eegin shaaha sanjabiisha leh, haddana waxa laga yaabaa
inay ku caawiso cabidda shaaha sanjibiisha leh waa haddii aad qabto dhiig-kar.
Waxaa laga yaabaa in uu
hoos u dhigo miisaanka jirka
Daraasado dhowr ah ayaa
lagu sameeyay faa'iidooyinka uu sinjabiilku u leeyahay miisaan dhimista iyo ka
hortagga cayilka.
Dib-u-eegis ayaa sidoo
kale lagu sameeyay cilmi-baaristan , waxaana lagu ogaaday in sanjabiilka si
toos ah uga hortaggi karo cayilka iyada oo loo marayo dhowr habab oo kala
duwan, oo ay ku jiraan xakamaynta rabitaanka cuntooyinka iyo kororka
thermogenesis ee ( kulaylka jirka).
Wuxuu daweeya madax
xanuunka
Cilmi baarisyo badan
ayaa lagu sameeyay sanjabiisha iyo sida ay u yareyso astaamaha xanuunada, oo ay
ku jiraan faa'iidooyinka ay u leedahay dadka qaba madax-xanuunka daran.
Cabitaanka shaaha
sanjabiilka leh, wuxuu markaa kaa caawin karaa ka hortagga iyo in qofka uu u
qaboojiyo madax xanuunka.
Qof kasta ma adeegsan
karaa sanjabiisha?
Shaaha sanjabiisha
wuxuu leeyahay dhadhan gaar ah, waxaana laga yaabaa, in dadka qaar aysan cabbi
karin koob idil oo shaahan ah.
Dadka qaar ayaa laga
yaabaa in waxyeelleyn ay kala kulmaan marka ay cabbaan shaaha sanjabiisha, sida
laabjeexa, iyo saameynta uu ku yeelan karo cadaadiska dhiigga awgeed, waa in
qofka si dhexdhexaad ah uu u isticmaalo gaar ahaan dadka dhiig-karka ee qaata
dawooyinka.
BBC