Maamulo Kala Madaxbanaan Tiro Badidooda Dowladnimo Mida Kama Dhalaneyso

0
Saturday January 28, 2023 - 10:19:06 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 909
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maamulo Kala Madaxbanaan Tiro Badidooda Dowladnimo Mida Kama Dhalaneyso

    Markii ay burburtay dowladii mileteriga ahayd, Sool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ay burburtay dowladii mileteriga ahayd, Sool


Gobonimodoonkii Soomaaliyeed waxey halgankoodii xornimadoonka ka fogeeyeen iney madaxbanaani ku raadiyaan dagaal qabiil iyo mid dariiqo diin oo ah laba masiibo oo kala dhantaasha midnimada shacabka. Jamhuuriyada Soomaaliya markii ay dhalatay waxaa la curiyey maamul goboleedyo waaweyn, waxaana sidaas loo sameeyey in la isku xajiyo isku haynta wadajirka shacabka Soomaaliyeed oo beelo u wada dega.



Dowladii milteriga ee Soomaaliya xukumeysey ayaa bilowday iney goboladii waaweynaa kala furfurto oo u qeybiso maamul goboleedyo yar yar oo astaan u noqday iney beelo gaara ay ku tiro badan yihiin, kadibna maamulkii isku koobay. Goboladaas cusub waxaa ka mid ahaa gobolka Sool oo Laascaanood ay u ahayd magaalo madaxdeeda, waxaana maamulka gobolka i si siiyey hal beel oo naasnuujin ku haysatey xukunkii dowladda Mileteriga.


Markii ay burburtay dowladii mileteriga ahayd, Sool waxey dib ugu noqotay asalkeedii hore oo ahaa iney ka mid ahayd maamulka ka jirey waqooyiga Soomaaliya oo hadda ah Somaliland, waxaana is bedeley iney dhacdo dadkii horay loo maamuli jirey iney maamulka gobolka wax ku yeesheen, kuwii horay wax u maamuli jireyna ay ku qanci waayaan in maamulka lala wadaago. Deegaanka gobolka Sool waxaa wada dega beelo Soomaaliyeed oo ku wada nool Waqooyiga Soomaaliya haba ku kala badnaadeen miyigeeda iyo magaalooyinkeeda iyo maamulkeeda.


Hal beel oo isku aragtay iney degaanka ugu tiro badan tahay keligeed go’aan kama gaari karto iney dhisato maamul u gaara, waxeyna u baahan tahay heshiis lagu wada mideysan yahay in si buuxda loogu wada gaaro aayokatalinta maamulka gobolka, laakiin suurtogal ma noqoneyso in dib loogu noqdo wixii shalay ay hal beel keliya wax ku maamuleysey, waxaana reer Laascaanood la gudboon iney si wadajira ay u wada qiraan in wixii horay u jirey iney xaqdaro ahaayeen, sidaas si la midana ay uga wada shaqeeyaan ineysan taas bedelkeeda uusan ka dhicin maamulka dowladda cusub ee Somaliland.


Qabiilku waa masiibo diidan dhaqanka casriga ah ee wanaaga maamulka dowladnimo, mana jirto taariikhda Soomaalida beel weyn oo ku heshiisey saldanad ay ku maamushaan deegaanka ay ku nool yihiin. Jabhadihii ka soo jeedey beelaha waaweyn ee u soo dagaalamay ridida xukunkii dowladii mileteriga ahayd, waxey ku heshiin waayeen maamulida deegaanadii ay beelo ahaan ka soo jeedeen, waxeyna isku wada dagaaleen cida madax ka noqon lahayd maamulida degaanadooda.


Odeyaasha ku shiraya Laascaanood waxaa wanaagsan inaan la carqaladeyn kulanadooda si aysan maamulka Somaliland aysan eed ugu yeelan ama aysan marmarsiyo ugu noqon fashilkooda, maxaa yeelay natiijada kulankooda ka soo baxaya ayaa ah ineysan ku heshiineyn xukun ku dhisan saldanad qabiileed oo hal beela. Waxaan shaki lahayn haddii la isku daayo iney ku dagaalamayaan cida maamuleysa saldanada ay dhisanayaan, waayo maanka odeyaasha mid walba waxaa geedfadhi u ah maangalyo meelo kala duwan ka soo kala jeeda.

Halista siyaasad ahaan ugu weyn oo ay cid walba isaga fogaaneyso ku lug yeelashadeeda waxey tahay iney fureyso albaabka fidnada oo ah haddii la isku dayo in maamul goboleed cusub loo aqoonsado naxliga laga abaabulayo Laascaanood, in ay ooda soo jabsanayaan in badan oo ka mida gobolada la isugu sidkay ka mid noqoshada maamul goboleedyada. Soomaaliya waxey dhismaha maamul goboleedyo kooban ka soo martay dhibaatooyin fara badan, maxaa yeelay gobolada la isku tolay mid walba wuxuu rabaa inuu ka


madaxbanaanaado midka lagu tolay, waxaana safka hore ugu horeeya gobolada hiiraan, Banadir, Shabeelada Hoose, iyo Gedo oo dhamaantood wada dhowrayaan in Laascaanood ay u furto albaabka fidnada oo mid walba ay marqaati uga dhiganeyso qiilka ay isaga furfuri lahay maamulka qasabka loogu daray.


Maamulka Somaliland degaanada ay dowladeedu ka taliso waa in laga ilaaliyo inaan loo geysan faragelin kala dhantaaleysa midnimada iyo wadajirka ay isgu heyso shacabka ku wada nool xukuumadeeda. Ma jirto cid ka faa’iideysa hurinta colaadaha laga abaabulayo Laascaanood, waxaana si gaar ah looga baahan yahay xukuumada ka jirta koofurta in awoodaheeda magacuyaalka ah aan waxyeelo loogu geysan maamulka Somaliland.


Somaliland waxaa la gudboon iney ku mashquusho sidii ay dowladeedu dadaal xoogan ugu geli lahayd qabashada doorasho xora, xaqa, oo xalaal ah, waayo dal kasta waxaa soo marta wakhtiga doorashada marxalad ay ku gadaaman tahay halista ay leedahay burbur ku yimaada jiritaanka xukunka ismaamulka dowladda, taas oo u baahan in si wadajira loo wada ilaaliyo geedisocodka hanaanka doorashada iyo jiritaanka wanaaga maslaxada dowladnimada. Guusha kabsami u qabashada doorashada ayaa meesha ka saareysa tabashooyinka wadata daandaansiga, taas oo looga gudbi karo xeelada ah, Arag oo Sug, oo ka turjumeysa inaad indhoindheynta aad sheeda banaanka kala socotid sida ay wax u dhacaan iyo doorka uu wakhtigu ka qaato helida xalka.


Wakhtiga hadda la joogo kaalinta uu qabiilku ku leeyahay dowladnimada casriga ah waa mid gabaabsiya oo aan marna suurtogal ka dhigeyn in dib loogu celiyo shacabka ku nool degmooyinka Soomaaliyeed wixii ay ka soo gudbeen oo horay degaanadooda uga jirijirey xoriyadda ka hor. Maamulka dowladda Somaliland haddii uu xun yahay iyo haddii uu wanaagsan yahay, markasta waa mid isku haya beelo Soomaaliyeed oo si nabada ku wada nool, waxeyna taas ka turjumeysaa hanaqaadka hanaan dowladnimo oo difaac urursan leh. Wadajirka midnimada gobolada waqooyi waxey waxtar wanaagsan u tahay wadajirka midnimada gobolada koofureed, waxeyna taas ay saadaal wanaagsan ka bixineysaa in isku keenida midnimada labadaas gacmood ay wadajirkooda ka dhalaneyso hal midnimo guud.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...