Madaxda Dhaqanka Ee Beesha Dhulbahante

0
Saturday January 28, 2023 - 10:11:20 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Dhaqanka Ee Beesha Dhulbahante

    Ujeedo: Xuduudaha Afrika Ee Laga Dhaxlay Gumaysigii Reer Yurub Lama Bedelikaro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ujeedo: Xuduudaha Afrika Ee Laga Dhaxlay Gumaysigii Reer Yurub Lama Bedelikaro



Xuduudaha Afrika, sida kuwa Dunida Carabta, Aasiya iyo Koonfur Ameerika, waxaa wada jeexay gumaystayaashii Reer Yurub waxayna ku salaysanyihiin dhulka, kuma salaysna qabiil, abtirsiimo ama isir. Qabaa’il badan oo Afrikaan ah ayaa qabiilkasta kala deganyahay dhawr dal oo Afrikaan ah taas oo ku salaysan qaabkii gumaysigu u jeexay xuduudaha sida qabiilka Canfarta oo kala degan Ethiopia, Eritera, iyo Djibouti, qabiilka Tuareg oo kala degan Senegal, Nigeria, Mali, Niger iwm, 



Qabiilka Fulani oo kala degan Mali, Nigeria, Niger, Chad, Cameroon, qabiilka Lunda oo kala degan Congo, Zambia iyo Angola iwm. Shirkii Qaaradda Afrika ee la qabtay 1964 ayaa soo saaray Baaq caddaynaya inaan xuduudaha Afrika ee gumaysigu jeexay la bedelikarin si Qaaradu uga nabadgasho qabaa’il isku daya inay midoobaan gumaysigii kadib taas oo Qaarada Afrika u horseedilahayd fawdo iyo dagaalo qabaa’il oo aan dhammaan laguna hoobto, dumiyana dawladaha Qaaradda Afrika.


 

Jiritaanka, nabadgelyada iyo deganaanshaha Qaaradda Afrika waxay ku xidhantahay ixtiraamidda, aqoonsiga iyo ilaalinta xuduudihii gumaysiga. Xuduudaha gumaysiga ayaa qeexaya dhulka, dadka, gobonimada iyo aqoonsiga dalkasta oo Afrikaan ah. Sida dawladda Somaliland aanay u sheegankarin dhulka Isaaqa, Dhulbahantaha iyo Samaroonka ee ka tirsan Itoobiya ayaan dawlad kale ama maamul kale u sheegankarin Beelaha dega Somaliland iyo dhulkooda hayb ahaan ama isir ahaan.


 

Kooxo qabaa’il oo hubaysan ayaa hadda ka hor isku dayay inay qabiilkooda mideeyaan xornimadii kadib waana ku wada fashilmeen sababta oo ah ma jirto dawlad oggol ama aqbalaysa in la kala gooyo ama la kala qaybiyo dhulkeeda iyo xuduudaha gumaysiga oo ah sharci ahaan caalamku aqoonsanyahay oo aan la bedelikarin. Dhulka Somaliland lama kala goynkaro, Xuduudaha Somaaliland ee laga dhaxlay Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland lama bedelikaro.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...