Turkiga Oo U Yeedhay Danjiraha Denmark, Ka Dib Markii Denmark Lagu Gubay Kitaabka Quraanka Ah
Wasaaradda arrimaha
debedda ee dalka Turkiga ayaa u yeedhan danjiraha Denmark ee dalkeeda fadhiya,
iyada oo ku eedaysay Denmark inay taageertay "dembi nacayb ah", ka
dib markii nin caan ku ah nacaybka Islaamku uu Jimcihii gubay laba nuqul oo ka
mida kitaabka baraysan ee Quraanka Kariimka ah, xilli uu mudaharaad ka dhigayey
caasimadda dalkaas ee Copenhegan.
Rasmus Paludan oo u
dhaqdhaqaaqa aragtida midigta fog, haystana dhalashooyinka Denmark iyo Sweden,
ayaa hore u qaaday tallaabo ka cadhaysiisay dalka Turkiga iyo dunida
Islaamkaba, ka dib markii uu gubay nuqul ka mida kitaabka Quraanka ah, intii uu
socday mudaharaad ka dhacay dalka Sweden bishan January 21-keedii.
Jimcihii isaga oo ku
sugan meel u dhow masaajid iyo weliba barxadda hore ee safaaradda Turkiga ee ku
taalla Copenhegan, wuxuu wacad ku maray inuu tallaabadan sii wadi doono Jimce
kasta illaa dalka Sweden looga ogolaanayo inay ku biiraan isbahaysiga NATO.
Dalalka Sweden iyo
Finland ayaa gudbistay codsi ay doonayaan inay ugu biiraan isbahaysiga
gaashaanbuurta ah ee NATO, hase ahaatee codsigooda ayay tahay inay ansixiyaan
dhammaan xubnaha isbahaysiga NATO, balse dalka Turkiga ayaa muujiyey inuu hor
istaagi doono, illaa ay dalalkani tallaabo ka qaadaan mintidiinta Kurdiyiinta
ah iyo weliba kooxaha kale ee dalkiisu uu ku daray liiska argagixisada.
Wakaaladda wararka ee
Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in wasaaradda arrimaha debedda ee Turkigu ay u
yeedhay danjiraha Denmarka, iyaga oo masuuliyiinta dalka Turkigu ay si adag u
cambaareeyeen oggolaanshaha Denmark ee falkan daandaansiga ah, kaasi oo muujinaya
dembi nacayb ah.
Turkiga ayaa u sheegay
danjiraha Denmark, inaan la aqbali karin dhaqanka dalkiisa, Turkiguna uu filayo
in oggolaanshaha lagala noqdo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.
Wasiirka arrimaha
debedda ee Denmark Lars Lokke Rasmussen ayaa warbaahinta Denmark u sheegay in
dhacdadani aanay waxba ka bedeli doonin "xidhiidhka wanaagsan" ee
Denmark iyo Turkiga, isagoo intaas ku daray in Copenhegan ay damacsan tahay
inay Ankara kala hadasho sharciyada Denmark ee dhawraya xorriyadda.
VOA