Maxay Soomaaliya Ka Faa'iideysaa Heerka Cusub Ee La Gaadhsiiyey Hawadeeda?

0
Friday January 27, 2023 - 09:18:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 938
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Soomaaliya Ka Faa'iideysaa Heerka Cusub Ee La Gaadhsiiyey Hawadeeda?

    "ay u saamaxayso dowladda Soomaaliya, inay si toosa awaamiir u siin karaan diyaaradaha caalamiga"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"ay u saamaxayso dowladda Soomaaliya, inay si toosa awaamiir u siin karaan diyaaradaha caalamiga"

 



Ururka caalamiga ah ee duullimaadyada rayidka ee magaciisa loo soo gaabiyo (ICAO), ayaa sare u qaaday darajada ay ku shaqeyso hawada Soomaaliya.

 

Waxaa haatan la gaarsiiyay heerka Darajada A, iyada oo ay Soomaaliya kolkii horeku soo shaqeyn jirtay heerka Class G.

 

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa bartamihii 2018-kii la soo wareegtay maamulka hawada Soomaaliya.

 

Dowladdii dhexe ee Soomaaliya, oo duntay sanadkii 1991-kii, ayaa waxaa loo wareejiyay maamulka hawada Soomaaliya magaaladan Nairobi.

 

Maareeyaha hay'adda duulista rayidka Soomaaliya, Axmed Macalin Xasan, ayaan sheegay in darajada heerka A, ay u saamaxayso dowladda Soomaaliya, inay si toosa awaamiir u siin karaan diyaaradaha caalamiga, iyadoo aaney taasi kolkii hore awood u lahayn.

 

BBC


Loading...
Loading...