Midawga Yurub Oo Dib U Eegaya Siyaasadaha Ay Kula Macaamilaan Muhaajiriinta
Wasiirada socdaalka ee
Midawga Yurub ayaa ku kulmaya magaalada Stockholm ee dalka Sweden si ay dib u
eegis ugu sameeyaan siyaasadaha socdaalka, gaar ahaan muhaajiriinta dib u soo
laabanaya ee aan xaqa u lahayn in la siiyo magangelyada.
Shirkan ayaa loo arkaa
kulan aan rasmi ahayn oo loogu diyaargaroobayo kulanka ay isugu imanayaan
dhammaan madaxda 27-ka dal ee Midawga Yurub, bishan soo socota ee February
10-keeda, halkaas oo la filayo in arrimaha socdaalku ay xagga hore ka galaan
ajandaha laga wada hadlayo.
Madaxa arrimaha gudaha
u qaabilsan Midawga Yurub Ylva Johansson oo la hadashay warbaahinta, ka hor
kulanka, ayaa sheegtay in Midawga Yurub uu arkay soo galooti "aan caadi
ahayn" oo soo gaadhaya dalalka Yurub, kuwaas oo gaadhay illaa 300,000 oo
muhaajir sannadkii hore. Midawga Yurub ayaa sidoo kale diiwaangeliyey illaa
974,000 codsi oo magangelyo doon ah.
Madaxa arrimaha gudaha
ayaa sheegtay in tirada magangelyo doonku ay saddex laab ka badan yihiin,
tirada muhaajiriinta ee caadiga ah, arrintaas oo culays badan saaraysa awoodaha
soo dhoweynta ee muhaajiriinta, iyada oo sheegtay in qaar badan oo ka mida
[muhaajiriintaasi] inaanay u baahnayn ilaalinta caalamiga ah.
Wakaaladda wararka ee
Reuters ayaa ka soo xigatay Qaramada Midoobay, in illaa 160,000 oo dad ahi inay
sannadkii 2022 ka gudbeen badda Mediterranian iyaga oo u gudbay dhinaca Yurub,
kuwaas oo ka cararaya dagaalada iyo saboolnimada ka jirta Bariga dhexe, Afrika
iyo Aasiya.