Jeegaan iyo Jaarso

0
Thursday January 26, 2023 - 09:58:34 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1093
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jeegaan iyo Jaarso

    Intaas ka dib, beelaha Jeegaanta iyo Jaarsadu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intaas ka dib, beelaha Jeegaanta iyo Jaarsadu



Afeef: Jeegaantu, waa gaashaanbuur soo-jireen ah, oo is-faham iyo is-kaashi xalaal ah ku saleysan, oo dhaqan suubban leh, oo beelaha Habar Jecle iyo Habar Awal ay ku mataaneysan yihiin.


 

Intaas ka dib, beelaha Jeegaanta iyo Jaarsadu, waa laba beelood oo Dir ah, oo beerahoodu ay dhinaca isku wada hayn jireen, oo Jigjiga iyo nawaaxigeeda, ood-wadaag ku ahaan jirey.



 

Beelaha Jeegaanta iyo Jaarsadu, waa beelihii asal ahaan Jigjiga loogu yimid, ee isir ahaan iyagu ku xoog badnaan jirey, ee ganacsi ahaan iyagu soo kobcin jirey; ee maamul ahaan, ka hor Axmaarada iyo Axmaar-kalkaallada Daarood, waa beelihii iyagu Jigjiga maamuli jirey, ee Jigjiga ka talin jirey.


 

Daaroodku, inay Jigijiga u soo safraan, oo socdaal ku yimaaddaan mooyaan’e, Jigjiga iyo nawaaxigeeda, wax deegaan ah kuma aanay lahaan jirin. Laakiin Axmaaradu markii ay timid, ayay daba-dhillifeyn-Axmaar iyo Axmaar-ku-macaashid hor leh ay bilaabeen, oo dhul-boobid iyo deegaan-dhicid ku dhaqaaqeen; oo Jeegaantii iyo Jaarsadii ba, ay beera-kiciyeen; oo ay bara-kiciyeen.


 

Daaroodku, sidaas ayuu ilaa maantadan, uu dhulkii Jeegaanta iyo Jaarsada uu ku haystaa; oo malaha, waa bu isa siiyey.


 

Haddaba, haddeer iyo haatan, Jeegaanta iyo Jaarsadu, waa inay gaashaanbuur mideysan, oo qurba-joog iyo qodaal-joog ku wada mideysan yihiin, oo qorsheysan, oo dhaqaaleysan, oo quwadeysan, waa inay degdeg ugu dhawaaqaan, oo dhammaan dhulkoodii uu Daaroodku ka boobey, waa inay degdeg u uga soo dhacsadaan, oo degdeg uga xoreystaan; oo Jigjiga ay maamulkeedii Dirkeed, ay dib ugu soo celiyaan - bi idni Allaah.


 

Tixgalin mudnaan badan leh.

 

Maxamed Sheekh Daahir

 

[email protected]

https://tashiwanaag.com/

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...