Qaramadda Midoobay Oo Wasiirkii Arimaha Dibadda Itoobiya U Magacowday Xil Sare

0
Saturday March 09, 2019 - 14:03:16 in News by
  • Visits: 2735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramadda Midoobay Oo Wasiirkii Arimaha Dibadda Itoobiya U Magacowday Xil Sare

    Qaramadda Midoobay Oo Wasiirkii Arimaha Dibadda Itoobiya U Magacowday Xil Sare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramadda Midoobay Oo Wasiirkii Arimaha Dibadda Itoobiya U Magacowday Xil Sare


Hargaysa(HWN)Qoraal ka soo baxay xoghayaha Qaramada Midoobey António Guterres ayaa lagu sheegay in Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Workneh Gebeyehu loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Xafiiska Qaramada Midoobey ee Nairobi (UNON), iyadoo uu madax ka noqonayo dhamaan xafiisyada UN-ka ee ku yaalla Nairobi.



Hanna S. Tetteh oo horay u heysay xilka Agaasimaha Guud ee Xafiiska Nairobi ayaa loo magacaabay Ergeyga u qaabilsan Qaramada Midoobey Midowga Afrika iyo Madaxda Xafiiska Midowga Afrika.


Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Workneh Gebeyehu ayaa sii wadanaya shaqada uu u hayo qaranka dalkiisa inta Abiye Axmed uu ka soo magacaabayo Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Itoobiya, iyadoo Xafiiska Abiye Axmed ay ugu hanbalyeeyeen Workneh Gebeyehu xilka cusub ee loo magacaabay.


Wasiirkan ayaa shaqooyin kala duwan ka soo qabtay gudaha Itoobiya, waxaa uu heystaa shahaadooyinka xiriirka caalamiga ah iyo kuwo Arts ka ah.


Qaramada Midoobey ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxaa xilal sare ka qabanayay mas’uuliyiin xilal ka hayay dowladda Itoobiya, iyadoo sanadkii 2017 Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom loo magacaabay Agaasimaha Guud ee hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO.


Loading...
Loading...