Muxuu RW Xamse kala hadlay wafdiga ka socda Hay'adda UNICEF?

0
Wednesday January 25, 2023 - 11:40:14 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu RW Xamse kala hadlay wafdiga ka socda Hay'adda UNICEF?

    Mudane Xamse ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudane Xamse ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta



Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Sanduuqa Badbaadada Carrruurta ee Qaramada Midoobay, oo uu hoggaaminayay Agaasime Gobolleedka Bariga iyo Koonfurta Qaaradda Afrika ee UNICEF, Maxamed Fall.


 

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdiga UNICEF ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan hawlaha samafal ee hey’adda ku hawlan tahay iyo kor u qaadista taageerada iyo gargaarka bini’aadanimo ee hey’addu siiso shacabka, gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed.



 

Agaasimaha ayaa sheegay in hey’addu ka go’an tahay xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee ay la leedahay Xukuumadda Soomaaliya, si loo horumariyo badqabka iyo caafimaadka carruurta Soomaaliyeed, isla markaana looga taageeri lahaa la qabsiga isbeddelka cimillada iyo saameynteeda dhinaca Soomaaliya.


 

Mudane Xamse ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta UNICEF taageerada bini’aadanimo ee hey’addu ku bixiso daryeelka carruurta Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay inay kor u qaadaan dadaalkooda ku wajahan sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka jira.

Loading...
Loading...