Soomaaliya & Masar oo hesiis cusub kala saxiixday

0
Wednesday January 25, 2023 - 11:34:58 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 696
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya & Masar oo hesiis cusub kala saxiixday

    Heshiiskaasi waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Isgaarsiinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Heshiiskaasi waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Isgaarsiinta



Wasiirada Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada ee dalalka Somalia iyo Masar ayaa waxay ku kala saxiixdeen Caasimadda dalkaasi ee Qaahira Heshiis Is-Faham (A memorandum of understanding (MoU).



 

Ra’isul-wasaaraha Masar, Mustafa Al-Madbuuli ayaa goobjoog ka ahaa Saxiixa Heshiiskaasi Isfahamka ee Arrimaha Iskaashiga Culuunta Teknoolajiyada, Isgaarsiinta iyo Boostada ee labada Waddan.


 

Heshiiskaasi waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada ee XFS, Jaamac Xasan Khaliif iyo dhigiisa Masar, Dr. Cumaru Dalacat


 

Heshiiskaasi ayaa ku soo beegmay, iyadoo Wasiirka Teknoolajiyada iyo Isgaarsiinta ee XFS, Jaamac Xasan Khaliif uu ka qeyb galay Shirka Wasiirada Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada ee dalalka Carbeed oo lagu qabtay magaalladda Qaahira muddadii u dhexeysay bishan January 22-dii ilaa 23-dii.


 

 

Loading...
Loading...