Intaan sheegtay Soomaali Allahayow iiga danbi Dhaaf!. Qaybtii 3aad.
Qormadii ugu horaysay waxa aynu meel dhignay Erayga So-maal in uu yahay eray Af ahaan aan qumanayn ama saxsanayn oo suurto gal noqonahayn in uu noqdo eray Magac Qoomiyadeed, sidoo kale Erayga SOO-MAAL ee qormadii xigtay ku qiso eegnay ayaa Runtii wax suurtogal ah noqonahayn in Magac Qoomiyadeed Erayga SOOMAAL Noqdo!.
Waayo Erayga SOO-MAAL Afka Hooyo waxa Jira Erayo ay isku macno yihiin ama isku dhigmaan sidaa aawadeed wax Af ahaan Magac noqon kara maaha.
Tusaale:- Afka Hooyo Soo-maal = Soo-lis = Caano Soo-dhiiji = Candhada Caano ka Soo-tuuji,
Waa eray dirmo ah oo ruux la faraayo inuu fulliyo sidaa aawadeed maaha wax dhici kara in eray Hawl laguugu diro uu noqon karo Magac, inuu noqdo Magac qoomiyadeedna maaha wax suurtogal ah!.
Tusaale Soomaal waa dirmo lagugu faraayo in aad Cuudka Gorofka la gasho oo aad Kasoo-Listo ama kasoo-maashid ama caano kasoo-dhiijisid ama Wang kasoo dheef keento, ruuxii howshaa loo igmado Af ahaan wuxuu noqonayaa Soo-maale ama Soo-lise ama Candhada Caano kasoo-dhiijiye, waxa halkaa inoogu cad oo aanu muran ka joogin in Ruuxa SOO-MAAL ahi inuu SOO-LIS na UU yahay sidaa aawadeed suurtogal maaha in qof Hawl loodiray lagu sheego Magac Qoomiyadeed ileen Soo-maal ama Soo-lis waa laba eray oo isku mid ah sidaa aawadeed hadii aad Soo-lis tahay Soo-maal na waad tahay!, Hadii eray qaldan Magac Qoomiyadeed ladamco in laga dhigo waa sidan oo kale Bal-day Soomaal ama Soolis ruux ama shaqsi ama qof keli ah weeye Hadii dad tiro badan ama bulsho Qoomiyad ah la tilmaamaayo ama la sheegayo maxay noqonayaan?
Sida lagu sheego hadeer waxa layidhaah daa Soomaali!, hada waa SOO-MAAL+i, oo noqonaysa Soo-Maali!, Waa eray Af ahaan qumanayn ama saxsanayn waayo qof qudha ama keliya marka howl loo igmaday loo diraayo sida inuu Cuudka ama Xoolaha soo MAALO waa Soomaal ama Soolis, ruuxiina wuxuu noqonayaa Soo-maale ama Soo-lise, Hadii se la damco in Bulsho koox ah oo Cuudka soo wada maalaaya ama soo wada lisaaya waa Soo-Maalayaal ama Soo-lisayaal, hadii se
sidii Qoomiyad ahaan magacaa loo adeegsado oo dadkaa hawshaa ay qabanayeen lagu shaanbadeeyo inkaste oo aanu ahayn eray ku quman Magac Qoomiyadeed hadana Af ahaan waxa uu ku saxsanaan lahaa SOO-MAALAYAAL! ama SOO-LISAYAAL!, se Soo-maali ama Soo-lisi, Afka Hooyo maaha ee Malaha waa af shishiiye,
Hadaba Magacii Soomaal haduu muran galay oo uu Soo-lis noqday waxa is waydiin mudan Dhulkii ay degenaayeen Dal ahaan muxuu noqonayaa? Ma Dhulkii Soomaal? Mise Dhulkii Soo-lis?,
Runtii dhulka ama degelku maaha mid lagu sheegi karo ama la odhankaro dhulkii Soo-maal ama Dhulkii Soo-lis, Maxaa yeelay Af ahaan wax is qabanaaya maaha, Maxaa yeeley sida aynu wada ogsoonahay dhulkii marka uu isticmaarka ama Gumaystuhu yimi waxa uu ula baxay magacyo Afka gumaystaha Ku dhawaaq yeedh Quman, se Afka Hooyo ku macno ama dhignaan Qaldan Af ahaan!, sida Soomaaliya iyo Somaliland!, Bal day Soomaal ama Soolis waa laba eray oo isku mid ah, Hadaba miyeynu odhan karnaa Soomaaliya = Soolisiya?, waa laba eray oo isku mid ah se midna gumaystihii wuu ina qabadsiiyey oo Soomaaliya weeye, hase yeeshee Soolisiya hadaynu damacno inaynu ku badalano judhiiba dhawaaqa eraygii Af ahaan waa deelqaaf oo eray quman ma noqonaayo.
Sidoo kale Somaliland gebi ahaan waa lawada shisheysiiyey ama waxa laga wada dhigay ereyo laaji wada ah, waayo? Day Soomaal waxay noqotay SOMAL waa shaqalo gaaban oo ku qabatin ama u odhaahid fudud ruuxa shisheeyaha ah, waa se eray ku qaldan afkeena Hooyo!. Tusaale, miyeynu odhan karnaa Somaliland = Solisiland? Maya!, Waayo?, Eraygi SOO-MAAL ayaa Soomaali laga dhigay shaqal gaaban ah saa lagu ladhay ama daray Dhul oo eray laaji ama shisheeye ah!, oo ah Somaliland = Dhul-Soomaal-i, oo ka dhigan Dhul-Soolis-i!, Waa Erayo Afka shisheeye ku dhawaaqid wacan hase yeeshee waa Erayo Afka Hooyo ku Dhawaaq iyo Dhignaan qaldan!.
Hadaba waxa isweydiin Mudan waxa inoo hadhay Afka laftiisiiye, Afka marka Af-soomaaliga lagu sheegaayo isna ma Af-Soo-lis ayuu noqonayaa?.
Maya ma noqonaayo Af-Soo-lis!, Mana aha Af-Soo-maal!, Waayo AfSoomaaliga Afka lagu sheegayaa WAA…… ……. Lasoco taxanaha qormooyinka soo socda.
Soomaalaay ama Soolisaay ama Soodhiijiyaay horta yaa idin dirtay???.
Fuad Fartaag
25-01-2023
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!