Macalin Masxaf Iyo Xusuustii Masraxa Af Soomaaliga

0
Wednesday January 25, 2023 - 10:43:55 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalin Masxaf Iyo Xusuustii Masraxa Af Soomaaliga

    Magac Ku Baahay Hargeysa, Muqdisho, Jabuuti Iyo Jigjiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magac Ku Baahay Hargeysa, Muqdisho, Jabuuti Iyo Jigjiga



Waa 24.1.2020 Amin saacada geeska Afrikada bari ku aadan tahay 5:34 Pm, waxaan furay fariin kusoo dhacday Mobilkayga gacanta oo ka timi Weriye Abiib Iimaan Xasan oo u qornayd " Saaxiib Cali waxa jigjiga ku geeriyooday Daa’uud Cali Masxaf,



Inkastoo aanan xanuunkiisa war ka hayn waxay igu noqotay Geeri aad iiga nixisay, Feker dheer iyo xusuus fog , dabadeed waxaa igu soo dhacday markii iigu horaysay ee aanu is aragnay waa sanadkii 1984. iyo Magaaladii Xamar, waa ayaamihii ay socdeen Ciyaarihii Goboladda ee waayahaas lagu tartami jiray, xiligaasoo Hobollada Waaberi Qaybtii Hargeysa ay dhigayeen Riwaayadii WAA MAADAYS ADUUNYADU DADKUNA WAY METELAYAAN. AHN Marxuumkuna kamid ahaa Kooxdii Muusika tumaysay, Goobta aanu ku kulanayna waa Makhaayad u dhowayd Tiyaatarkii Muqdisho,

No description available.

Waxaa iskaaya baray Nin aanu saaxiib ahayn oo magaciisa la odhan jiray Nuur Fayte isaga laftiisuna ka tirsanaa Kooxdii DAYAX ee ururka dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka. Daa’uudna ay waayo hore isku Reer Jowhar ahaayeen, mar kalena waxa sida hilaaca ii hormaray aragtidii ugu dambaysey ee aan indhaha saaro oo aanu iskaga soo horbaxnay Magaalada Hargeysa gaar ahaan wadada Hotel Togdheer hormarta ee dhinaca bari ugu leexada dhismaha Jeelka weyn, waa sanadkii 2018kii waxaan filayaa inuu ayaamahaa ka yimi xagga Jigjiga.


Inkastoo taariikhdiisa iyo sooyaalkiisii nololeed marar badan warbaahintu ka faalooday, waxaan jeclaystay inaan qoraalkan Xus iyo xusuus uga dhigo, waayihiisii faneed, iyadoo Saddex sanadood kasoo wareegtay geeridiisii.


Rabbi haw naxariistee Daa’uud Cali Masxaf oo kamid ahaa raga sida aadka ugu horeeya tumista Qalabka muusikada, iyo samaynta Laxamada Fanka afsoomaaliga, wuxuu kamid ahaa dhalinyaradii soo shaacbaxday Bilowgii sideetanaadkii.


mudo yar gudahoodna wuxuu noqday xidig caan ah oo warkiisu si yaableh u baahay, wax kale kuma garatide wuxuu Magaciisa ku qoray dhowr kaalmood oo fanka ah, meelaha uu sida fudud u dulmarayna waxaa kamid ahaa, samaynta Laxamadda, tumista aaladaha, iyo dhinaca Heesaha, wuxuu lahaa gacan cajiib ah oo si aad u macaan xadhkaha kamanka (Cuudka) cod dheguhu ku raaxaystaan oo qalbiga taabta ka sameeya.


Anigoo filaaya in badan oo inaga mid ahi inay xusuustaan heeso qaaci ah fanaanka ama fanaanada, ku luuqaynaysaa kor ugu dhawaaqaan axyaa Daa’uud !!!! Waa marka saarka weyni soo dego Xaraarudan xidigaha u baxdo Yaa salaam Macalin Macalin Daa’uud Macalin.Madashana mashxarada iyo sacabku isu baxaan.


Tumista kamanka heerka uu ka gaadhay waxaynu ka qiyaasi karnaa waraysi uu la yeeshay Weriye Abiib Iimaan, waxaanu AHN Daa’uud soo bandhigay arrin aad u yaableh oo isaga hortii aan cidi xitaa ku riyoon, balse si hawl yar oo uun Alle iyo intuu aragtayba marag ka tahay ayuu badka keenay, waxaana Shaashada Telefishinka laga daawaday isagoo si cajiib ah u tumaya, Qaabka dhowr fanaan oo caan ku ah cuudka ay u garaacaan.


Raga uu gacantooda halkeedii dhigayna waxaa kamid ahaa AHN Xudaydi oo lahaa siiqad gooni ah, waa codad isdaba jooga oo si isu dheeli tiran u baxaya mararka qaarkood waxaaba shaki kaa gelayaa in waxa la tumayaa uu ka weyn yahay Cuud, waa markaad maqasho xadhkaha qaarkood oo sida durbaanka u dayaamaya balse waa gacanta iyo khibrada AHN Xudaydi oo ahayd Oday ka sheekee.


Saalax Qaasin Naaji oo isaga laftiisu hanaan gaar ah u tumi jiray, dadka aqoonta kamanka wax ka yaqaanaana qireen inuu ku horeeyo Badda Muusika ee loo yaqaan Saambadda oo tumisteedu dhib badan leedahay.


AHN Cumar Dhuule oo jabaq aan cid kale ku dhici karin cuudkiisu lahaa, codad hoose mararka qaar si dhuuban oo khafiif ah u baxaya, ilbidhiqsiga xigana waa codkii oo culus,adigoo intii lasii yaaban waa mid kale iyo si kale iyo nooc hor leh….heesaha qaarkood markuu tumanayona waxa dhextaaladiisa muusika uu ku samayn jiray dhawaaq sida mashxarada ama qosol sebi la kelin-kilaynayo la moodo, adigoo intaa la fajacsan ayuu kamanka kuugu sheegayaa Magaciisa. Dhuuuuule dhuule dhuule.


waxaa laga yaabaa in badan oo akhristeyaasha sharafta lehi marka aan sidan leeyahay inay u qaataan ka badbadin iyo xayaysiis aan dul-dhigay Kamankii AHN Cumar Dhuule, bal ka warama oo ila tijaabiya Heesta Buliyeey Shimbiryahay Buliyeey ee Cumar Dhuule, oo darbuugad iyo durbaan toona aanay ka ag sanqaydhayn.


Sidoo kale AHN Jiim Sheekh Muumin oo dhamaanba Xirfadleyaasha Kamanka kaga duwanaa samaynta waxa Afka muusika loogu yeedho Turukadda oo ah dhawaaq-noqodka Codka kamanka, isagoo marba heer la gaadhsiinayo. sida dhaqsaha badan ee xadh-kaha gacanta loo wada mariyo, iyo habka jabaq-waliba ta kale ula socodo, waxaa mararka qaarkood aad is odhanaysaa awood ka badan inta caadiga ah ayuu lahaa, waxaa AHN Daa’uud laftiisu la metaal dhigay xawli u dhigma sanqadha qoobka fardaha.


AHN Daa’uud Cali Masxaf Marka laga yimaado Cuudka wuxuu baylood lagaga dambeeyo ku ahaa kitaarka codka dheer ee loo yaqaan liit Kitaarka, aaladan oo nin aad u bartay mooyee aanay suurto gal ahayn in qof kale farihiisu taabtaan.


Marka laysku arko Masraxyada muusika isku dhan ee qalab badan laga dhawaajinaayo, waxaa dhadhanka maqalka muusikada kaalinta ugu weyn ku leh xirfada muusikiisteyaasha iyo siday isula fahmayaan codadka ay samaynayaan , kitaarka Codka dheer oo ah halbowlaha qalabka wuxuu sameeyaa dhextaalada dhawaaqa muusiga, waxa kale oo uu qaabeeyaa jawaabaha ay isa siinayaan. Iyadoo la raacayo hab marba qaab loo bedelaayo, aadna ay u wada xafidsanyihiin dhamaanba inta wax tumaysa, khaladka yar ee dhacaana wuxuu sababi karaa in gebi ahaanba ay isku dhex-daadaan codadkii iyo dhawaaqii Muusika.


AHN Marxuum Daa’uud Cali Masxaf oo sanadihii sideetanaadkii kamid ahaa dhalinyaradii Joogtada ku ahayd masraxyadii Hargeysa iyo Muqdisho sida badan waxa ay wada hawlgaleen rag cimri ahaan aad uga da weynaa oo mudo dheer fanka uga soo horeeyay kuwaasoo ay kamid ahaayeen Ismaaciil-yare, Cabdi Aamito, Maxamed Saleebaan Mahdi, Muuse Maxamed, Axmed Khamiis Tifow, Aweys-Goobe. Maxamed Cali Andaree, Dhamaantoodba Alle haw naxariistee khibradii iyo farsamadii uu ka korodhsadayna waxay sabab u noqdeen inay u hawlyaraato Inuu si fudud u tumi karo Heesihii hore, Kuwii dhexe iyo kuwii dambeba.


Waayahaasna wuxuu noqday Macalin markasta masraxa looga baahanyahay, xiliyadii dambe ee uu ku sugnaa magaalada Jabuuti oo uu la hawlgalay Barbaar da’a yar ah oo intooda badani ku cusubtahay Xirfada wax tumista waxaa cid kasta ka yaabin jirtay muuqaalada Kamaradaha wax duubaa qabtaan, waxaana kasoo bixi jiray Isagoo dhinac ka wada tumista qalabka, Weliba kala bedelaya xadhkaha Kitaarka hadana dareenkiisu la socdo habka qalabka la garaaacayaa isu raacayo oo aaladaha qaar codkoodu ka hooseeyo heerkii saxda ahaa iyo fanaanka heesaya oo Daymo adag muusikiisteyaasha ku canaananaya marka xaalada noocaas ahi soo korodho, AHN Ustaad Daa’uud wuxuu fariimo insharooyin ah ku sixi jiray, Colka Muusika daadihinaya si fudud baana laysu afgaran jiray, in natiijadu guul ku dhamaadayna waxaa laga fahmi jiray, dhoolacadayn kooban oo fanaanku sameeyo iyo Daa’uud oo madaxa ruxa OK!!.


Sida cajibka ah ee uu kitaarka ugu xaragoodo ka sokow wuxuu lahaa Muuqaal Golejoogleh inta daawanaysaana isha la raacdo qaabdhismeedka jidheed, habka lebiskiisa, sida uu timaha ula baxo wuxuu ku cadaa waxa afka qalaad loogu yeedho FASHION ama ILQABAD.


Dhinaca kalena Daa’uud Cali Masxaf wuxuu kamid ahaa tobanka qof (Top ten), ee samaynta laxamada ugu horeeya Afka Soomaaliga, inkastoo aanay dadka badankiisu fahamsanayn kaalinta Laxamka iyo halka uu fanka kaga jiro.


Marka la fasiro waa dhadhanka iyo macnaha heesta loo saaro habka loogu dhawaaqayo baydadka ay ka koobantahay, waana shaqa adag oo aanay cidwaliba faraha la geli karin, raga laxanka sameeyaana waxay si joogto ah u dhegeystaan wax kasta oo sanqadha iyagoo raadinaya cod dheelitira Midhaha ay sitaan, Baadidoonka noocaas ahina mararka qaar laxamsameeyuhu wuxuu jabaq qiyaasan oo si fiican u daboosha kasoo helaa amuuro qofka aan fanka wax ka aqoon marka looga sheekeeyo aad uga yaabisa sida C’idda Xayawaanka, sanqadha dabaysha, codka Mawjadaha Badda, xitaa waxaa dhacda in Guuxa Baabuurta qaarkood laxam laga dhex raadiyo. Hadaba iyadoo aan qoraal kooban lagu soo ururin karin heesaha uu laxamka saaray AHN Daa’uud Cali Masxaf balse kuwoodii ugu caansanaa weliba sida weyn ugu baahay Caalamka Afka soomaaliga waxaa kamid ahaa:


1…….’’ HADUU BEERKU QAYBSAMO BADHBAAN ADI KU SIIN LAA midhihii AHN Maxamuud C/laahi Singub Codadkii AHN Maxamed Axmed Dhabarlaw iyo AHN Sahra Axmed Jaamac

2…..Taariikhdu waa Mudan Ereyadii Xasan-Ganay, Codadkii AHN Busi, Haldhaa, iyo Jubba

3….ILA NOQO UL IYO DIIR Codadkii Xasan Aadan iyo Khadra Daahir

4….WAA TAA NABADII DURUGTEEE Codkii AHN Sahra Axmed Jaamac

5…..GARGAARAAY MIDIGTAYDAAY Codkii Xasan Aadan Samatar

6-SHAMIS Midhihii AHN Xasan Ciise Cali (Xasan-Kuuriya) Codkii C/QAADIR Jubba.

7-HOYGA AAN DHISAYNAA Codka Xasan Aadan, Hibo Maxamed, iyo Khadra Daahir

8-CIIDU QAALI WEEYE..(waxay ahayd hees wadani ah oo markii iigu horaysay 1983kii aan ka dhegeystay Idaacadii Radio Muqdisho, waxaana ku luuqayn jirtay AHN Saafi Ducaale, iyadoo uu midhaha iska lahaa AHN Maxamed Nuur Shareeco.


Waxa kale oo uu qaybweyn ku lahaa riwaayado tirabadan oo bilowgii sideetanaadkii ilaa horaantii sagaashanaadkii lagu soo bandhigay Masraxyada, qayb kale oo kamid ah fanka Daa’uud Cali Masxaf raga ay isku xirfada yihiin uu kaga horeeyay waa kaalinta heesaha inkastoo aanay badnayn intaan ka dhegeystay, balse dhowr kamid ah heesihii uu qaaday cid kastoo maqashayba waxaa aad usoo jiitay codka degan iyo sida macaan ee uu ugu luuqaynaayo heesahaas oo ay kamid ahaayeen.


1 ANIGU WELI SIDII BAAN SACABKA KUUGU TUMAYAA, ANIGU WELI SIDII BAAN SOO DHOWOOW KU LEEYAHAY HADUU SEEGO QAYRKAY UU KU SIIYEY CALAFKII….Heestan oo uu midheheeda lahaa AHN Maxamuud C/laahi Singub, waxay kamid ahayd Riwaayadii ISUMA QADO, Habka laxanka iyo muusiga waa Daa’uud Cali Masxaf, heestan oo aad u dheer waxaa darandoori u qaada dhowr fanaan marka ay qisada Riwaayada ku jirto waxay aad u caanbaxday markii AHN Daa’uud qaatay


Waxaa kale oo jirta Hees safka hore kaga jirta suugaanta jacaylka midheheeduna ay sifaynayaan quruxda muuqaalka dhulka iyo sida ay naftu u jeceshahay Aragtida Barwaaqada, Ereyadeedana waxaa kamid aha


" SIDA WEBI DURDURAYOO LABADIISA DAAMOOD DOOGII KASOO BAXAY DACALADU IS GAADHEEN AMA DAYR SAMAATOO DADKU NABAD KU NOOLYAHAY WAAN KU DOONAYAAYOO ANIGUBA DARAADAA INDHIHII I DAALEE NAFTAA KUU DIYAAREE HADMAAN DADAB GELAYNAA”


Heestan oo uu midhaheeda lahaa AHN Axmed Ducaale Qaalib (Xiirey). Markii uu laxanka saaray Daa’uud tijaabadii ugu horeysay codkiisa uu kusoo bandhigay waxay si weyn usoo jiidatay abwaankii heesta lahaa oo ka helay heerku uu gaadhsiiyey waxaanu dalbaday inay si darandoori ah codadkooda isugu weydaarsadaan AHN Daa’uud iyo Faadumo C/laahi Maandeeq, dareenka kalgacalka ee ay ka turjumayso sida cajiibka ah ee labada fanaan isugu dhiibdhiibayaan, waxay noqotay hees si aad ah loogu isticmaalo xafladaha, meherada iyo Aroosyada , waxaa iyaduna xusid mudan hees kale oo midhaheeda ay kamid yihiin NUURAAY NARUUROOY NACAB XAASIDAA JIRA NECEB WADAJIRKEENEE…..Inkastoo aanan maqal abwaanka midhahaa lahaa balse ujeedada heesta ayaa asxaabta fanka ku dhowdhowi waxay ii sheegeen inay ahayd hees toos ugu socotay Xaaskiisa, oo arrin dhexdooda yimi uu ka waaninaayey xiligaas oo ahayd mudadii uu joogay Magaalada Jabuuti. 

Runtiina dareenka ka muuqda fanaanka waxaa laga akhrisan karaa baaxada mushkilada iyo sida ay ugu weyntahay cida uu la hadlayaa, qaabka heestan loo dhigayna waa khibrad iyo waayo aragnimo fankii hore ku duugnayd.


Dhinaca kalena marka dib loo milicsado mudadii uu kamid ahaa bahda Fanka cimri ahaan nus qarni wax yar dhiman ahayd, wuxuu gaadhay derejo sare macalin aan xuduud lahayn oo Hargeysa, Muqdisho, Jabuuti iyo Jigjiga oo midwaliba calan gooni ah leedahay ayuu beled kastaa ku qaabilay tixgelin kaalintiisii faneed lagu tixgelinaayo, waxaanu lahaa taageerayaal waayeel da’ dhexaad dhaliyaro iyo barbaarba cidkastoo gacantiisa macaan ka heshayba waxay la ahayd saaxiib. Ay fadhiga uga kacaan.


Intii aan ku guda jiray qoraalkan waxaanu si kedis ah isugu nimi fanaaniinta kala ah Canab Diiriye Ileeye, Cabdi Muxumed (Cabdi-Falaash), iyo weriye Ismaaciil Cali Ducaale oo ah Weriye ruug cadaa ah oo mudo 40 sano ku dhow kusoo dhexjiray Mihnadda Saxaafada sida badana marka uu Makarafoonka Idaacada ka hadlayo Codkiisu aad ugu dhow yahay luuqdii AHN Cawke. 


waxaanu soosaare ka yahay dhowr kamid ah Barmaamijyada RADIO HARGEYSA, weriyahan oo kamid ah Suxufiyiinta xogta badan ka haya Kaydka da’da weyn ee Idaacada, inta uu baahinta ku jirona waxa uu sharaxaa Heeso badan oo dhegeysteyaashu ka bogtaan taariikhda ay soo galeen kaydka Idaacada, Abwaanka sameeyay, cida laxamka raacisay iyo sidoo kale Fanaanka ku luuqeeya,


Suxufi Ismaaciil Cali Ducaale oo aqoon balaadhan u leh Suugaanta, waxa uu ii sheegay inay isaga iyo Daa’uud isku barteen magaalada Hargeysa 1986kii, Nin aad u akhlaaq wanaagsanaa, dabeecad ahaana qof furfuran. Ayaanu ku tilamaamay, Canab Diiriye ayaa qirtay inuu ahaa laxamiistee aad loogaga dambeeyo samaynta Codadka waxaanay sheegtay inuu ahaa qof dhowrsoon oo muxtarim ah, Cabdi-Falaash oo da’a ahaan xiligan waayeel faneed ah ayaa ii sheegay inay riwaayado badan soo wada dhigeen si weyna ay isu fahmeen, waxaanu ku sifeeyay qof dabeecad wanaagsanaa oo aad u af gaabnaa, Gabagabiidana geerida Daa’uud waxay Fanka afka soomaaliga ku banaysay kaalin u muuqata inaan cidkale buuxin karin

Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...